Gabay: danaheena eega. Q-2aad Gabayada qabyaalad diidka

CURIYE:- Aadam Asad Ibraahim

1:Danbi maleh Qabyaaladi, Ninkii diido idilkeede
Hayeeshee ninkii doojistaa, duuda loo suriye
Daacadiyo cadliga duul ka duday, duhur ma joogaane
Danahooda way daba maraan, laga daboolaaye
Dowladaha ma gaaraan dayaxa, duulimaad tagaye
Waxashkiyo midkii dubi jiraa, dabro dabadeede
Waxaan oga danleeyahay ayaan, idin dareensiine
Iminkaba dadkeennaa qabiil, loogu dow galaye
Saqiir iyo duqoow iyo dhamaan, da’yartiyo shaabka
Gidigood wixii daashaday, sii dugsanayaane
Kuwii hore dabkii ay shideen, naarti lagu daatay
Oo aan La damin bay markale, dogobyo saareene
Dooyiyo colbay dumahayaan, daa’in abidkooode
Xasiloooni lagu diirsadiyo, diide nabadiiye
Ubadkoodi way daayaceen, mana daryeelaane
Dariiqaad maraysaba wakaa, tuban dadkeeniiye
Dureemada kabadan maydka iyo, dhaawac daadsaniye
Dumarkeeni waataa saxraha, oon ku daashadaye
Dibjirkiyo dadkii darafta yaal, daalinbaa galaye
Gaajadu kuway dubataybaa, docodocaystaaye
Keenyan dalkii kaa diraa, kuugu sii darane
Ragbaan jirin u diirnaxahayoo, galin daneeyaaye
Nin damqada la waayoo dalkiyo, eego danahiiye
Qabiilbay la dananaan dhamaan, duulku waa ebere
Cadowgeeni kii ugu darnaa, waakan soo dagaye
Dabaabaadka baa lagu dunshaa, daar wixi haraye
Dheemenkaa la dalandalanayaa, dowrka maantada e
Kaluun dabasho waa waxay, badaha uga dinnaahayne
Xoolaha dagaalbaa ku socon, mana dareentaane
Daawaday ku durayaan wallee, waa sun tii darane
Waa cadow dahsoonoo runtii, way dagaalamiye
Dadaal iyo juhday galinayaan, dabarjarkeenaaye
Daaqina ragbaa gubahayoo, diiray idilkiiye
Caqli durugsanbaynaan lahayn, lagu difaacaaye
Qabyaaladi darteedbay indhihi, damag yidhaaheene
Anaa daran dantay ma aha iyo, diidey taladiine
Intii aynu doodaas wadney, guurtay dunidiiye
Rakaabaynu nahay doon sugiyo, daaladii rariye
Iga dadan waxaan doonayniyo goob la dagayaaye
39:Dakanada kuwii naga hayeen waaya badan daynay
Damacbaa markale soogaloo way durbaan tumiye
Daandaansibay muujiyeen wayna dagayaane
Dal lahely sidiisii xadkay soo durjinayaane
Waataa dafooftii (xabashi) xumayd doonyo keensadaye
Safiiray u soo diranayaan daginka qaarkiiye
Nin seexdaa sicii dibi dhalaa da in abidkiiye
Inagaa duliga hoorsanoo duud naloo suriye
Dubaabkaan ismaqal oon lahayn duub hagaajiyo e
Dabcigiisabaan leenahoo daa in waa marage
Dhex dabaasha goobtaad rabtaan dawarsadoo jooga
Dunidana gunbaan noqonaynaa ciida lagu daadsho
Dir dir loo dagaaliyo col iyo Guuto daba joogto
Degin la isu diidiyo dhul iyo daaqa iyo baadka
Hadaynaan xumaha daynin iyo dirirtan aafaysan
Danteeniyo hadaynaanan garan diinta waxay reebtay
isku dire hadaynaanan qaban daalin iyo tuuga
Dalka waa la dhacayaa ragow goortan dabadeede
Dunidana gunbaan noqnaynaa ciida lagu daadsho
Waxbo yaanan maansada durjine waan dabrahayaaye
Isku duubnibaa lagu helaa dowlad xoog badane
Duul wada jir qaataan wallee cidi ku duulayne
Danaheena eegaay ehlooy oo dadnimo raadsha
Kala didid danaaniyo ka taga ehel dagaalkiisa
Daalimkii wax dulmana qabtaay doogsi wuu imane