Waxay maraysay Balayax iyo hooyadii oo kaftamaya, kaftan ku saabsan arrimaha guur ee balayax.
Haddaba markay kaftan dhammaysteen, ayuu balayax soo jeediyayin horta inta uusan guda galin jiidashada guur meernimadiisa, uu u baahan yahay in uu magaalada u muraadsado, awrna uu reerka ka kaxaysto. Hooyadiina arrinkaas hadal kama aysan oo soo celin, wayna ogalaatay.
Balayax iyo wiil Coolli la dhihi ray oo ay ilma adeer ahaayeen ayaa habeenkaas ciyaar gud u baxay, ka dibna waxay afka saareen jihada bari oo ay beeshu u badnayd.
Qoodh iyo xero, markii ay sawaxanka reerka ka libdheen ayay geed cufan dugsigiisa fadhiisteen, dabadeedna waxay shanqadh dhagaysteen sacab iyo sawaxan ciyaareed. Dhaqdhaqaaqi ayay joojiyeen, dhagahana laydhi ayay la raaceen, cida adhyaha, laaqinta orgiga qooqan, dananka dameeraha iyo sawaxanka xoolaha ee hareerahooda ka baxaya ayaa cabbaar dhagahooda mashquuliyay. Haseyeeshee, xoogaa ka dib waxaa dhagahooda ku soo dhacay codka iyo cayaarta saarreyda la yidhaahdo, oo meel daaqsin geel jirta ka balwanaysa, kadibna markii ay hubsadeen in ay ciyaar tahay ayay labadoodiba hal mar yidhaahdeen “Wallee way baxaysaa”.
Ka dibna inta la kaakacay, oo afka la saaray jihadii ciyaartu ka baxaysay ayaa dhabaabaco dhagaha la nabay. Rucle iyo orod waxay kaymaha cufan ku sii dhax jiidhaanba, oo ay dhawaaqa iyo jiibta ciyaarta kolba laydhu ku beerqaaddaba, waxay ku soo bexeen golihii habeenkaa ciyaarta saarreyda loo butaystay oo laga weegaaray kax bannaan. Waa afar iyo tobnaad, intuu dayaxu mudh baxay cirka xudduntiisa isku beegay, ay fallaadhaha iftiinkiisu arlada dharaar ka dhigeen.
Waxaa gagida ciyaarta isku helay dhallinyaro jibbada iyo balwada ciyaarta saarka u suuqmay oo ka soo kala guryo caanaha gadhoodhka iyo maydhanaanka ahi ay weelasha ku qotomaan, ciirtana la daadiyo.
Golaha ciyaarta waxaa sida faraawilka ugu heegaaman qaanso gabdho ah, oo intay sararta iyo garbaha isa saareen, raxlada jaanta kaga daryaaminaya, oo aad jaanqaadkooda mooddo mawjad badeed oo haraaciyaysa. intaa waxaa dheer, luuqda sida fardaha u dananaysa, iyada oo aanay marna isla waayayn jaanta cagta, jiibta codka iyo jamal dhawga sacabka.
Waxaa cayaarta saarrayda ka dhax haloosinaya wiilka qalanbaawiga ah, ee markuu ku dhufto hoobaleyda, ay luuqdiisa gabdho daayoo, islaamaha qutubaha wataa ay ay usha soo qaadanayaan, waa qawdhan yare, waa marka ay xaraaradu cirka gaadho ee ilma ciyaar yaqaan usha lagu kala horo.
Balayax iyo coolli, markii ay ciyaarta qoobka soo galiyeen, waxaa dhaxdooda ka rablaysay timo-dheer gabadh ah oo ag markeeda naftu ku raaxaysanayso, guudkeedana ka duulayaan, lamase aqoonsan reerka ay ka soo baxday ama ay ka soo cayaar gudday!
Balayax oo Eebbe hibo u siiyay luuq baxsan oo marka uu ciyaarta ku qaado hablaha sida caanaha ciirta loo lulo u lushaan, ayaa ciyaarta jeeniga galiyay, oo ku dhuftay luuqdiisi cuddoonayd, waxaana erayada uu ku dhawaaqayay ka mid ahaa:
“Hoobey, hoobey, hablow,
Wali qaadka maan baran,
Ragga qaayib iyo laan,
Qolmadoobe iyo hawd,
Qawl daajiyaan ahay,
Caawadan qudheedana,
Anigoo maryaha qubay,
Qab i dhoon hurdada laday,
Ayaa qaraxa sacabkiyo,
Qalaadkiinnu ii baxay,
hablihi qaali iyo qadar,
Qorshe iyo ugaaso cad,
Qalbigaa idin doortee,
Qaayibey nabad ma sheegteen,
Qoyskiinu waa kee?
Ka dibna markuu Balayax sidaa yidhi, waxaa u jawaabtay Bullo gabadh ah oo tidhi:-