Dhaantada

 

Waxaa maalin wada kaftamay nin wadaad ah iyo mid ka mid ah dhallinyarada dhaantada jecel. Kii dhallinyarada ahaa ayaa kaftanka la horreeyay oo dhahay, wuxuu soo istagay meel dhaantada lagu caayayo oo inay dambi tahay lagu sheegsheegayo. Markaas ayuu su’aashan waydiiyay ninki wadaadka ahaa oo ku yidhi: “Haddee waayahaye hadday dambi tahay, maxaa dhaanto loo yidhi?”, nin wadaadka ahaa ayaa si dagdag ah ugu jawaabay, “Waxaa sidaa loo yidhi, wax kalo oo ay dhaanto garan maynee, sidana ayuunbay yara dhaantaa, sidaas ayaa laga wadaa ayuu ugu jawaabay wiilki”. Wiilki dhalinyarada ahaa wax su’aal ah oo kale ma uusan soo celin ee sidi isaga oo yara garaabay ayuu inta qoslay iska dhaqaaqay.

Haddaba dhaantada ayaa ah cayaarta ugu caansan deegaanka taas oo la cayaaro xilliyada habeenka ah waliba saqda dhexe, waana sababta ay waalidiintu u neceb yihiin cayaartan iyagoo ka baqaya in gabdhaha wax kasta lagu sameeyo. Hadday rabto yaysan dhicin arrintaasi balse waxaa jira shaki wayn oo bulsha kasta oo nool ay ka qabaan cayaarahan habeenki loo banbaxayo. Waana sababta ay ugu maahmaahi jireen: ‘Haddaysan dhaantadu wax ku jirin maxaa habeenki kaliya loo cayaaraa’.

Si kastaba ha ahaatee, dhaantada ayaa kaalin muhiim ah ugu jirta dhallinyarada deegaanka siiba kuwa reer miyiga ah, hadday ahaato dhanka, shukaansiga, dhanka isku gudbinta shucuurtooda jacayl, dhanka is maaweelinta, dhanka is dhiirrigalinta, dhanka is barashada IWM.

U fiirso hal-bixiskan:

‘Marka hore waxaan idhi midha jannow, kaama maarmoo naftaan kugu maaweeliyaa’

Hal-bixiskan wuxuu ka hadlay dareenka jacayl ee u dhaxeeya gabadhaha iyo wiilasha.

‘Laan bardoo meel biya leh, ka baxaysaa tihiin’

Kan dambe waa amaan iska caadi ah.

‘Sida kuushaan kalgacal, kurka kugu sitaa’

Waa kalgacaylka ay isku qabaan sida ay u muujinayaan.

‘Barbaarta la bood baarcadey, la bulsheeyoo’

Waa hal-bixis ka turjumaya dhiirrigalinta hab-nolaleed ee dhallinyarada.

Kaalmahaas iyo kuwo la mid ah ayay dhallinyaradu ugu jirtaa dhaantada, sidaa darteed iyaga oo aamminsan in ay dambi noqon karto amaba kaarahaba tahay ayaysan ka maarmin oo aysan dhag jalaq u siinin culimada iyo waalidiinta ka soo horjeeda cayaarahan oo kale.