4aad Shan-daranley

Ka dibna markuu Balayax sidaa yidhi, waxaa u jawaabtay Bullo gabadh ah oo tidhi:-

“Caliyow ina adeer

Ciddu way nabdoon tahay

Colka dhiigga daadshiyo

Caara dhuubi may dhicin

Cudurrada wax laayiyo

Belo culus ka yaasiin”

Giddiga habeenkii, waxaa ay dhallintu jiibta iyo sacabka, isku baacisaba baa markii uu waagu hoosta ka soo guduutay ayaa lagu kala dareeray ciyaartii.

Goobtii dirrida ahaydna waxay u ekaatay galgalin boodh leh, cago habaas leh, ayaa la kala dareeray. Habluhu iyaga oo kooxo kooxo ah ayaa jihadii guryahoodu ka xigeen u dhaqaaqeen, hase yeeshee, raggu nin ama aadin jihadii guryahoodu ahaayeen, een nin waliba wuxuu ka daba dhaqaaqay gabadh meel martay, si uu inta yar ee habeenka ka hadhay, erayo ula gaadho. Balayax iyo coolli, waxaa ay jaqaftii horeba feedha ka raaceen, afar hablood oo meel wada maray. Afarta hablood waxaa ka mid ahayd, gabadh la yidhaahdo canab, oo ay colaaadda ka hor isku agyaalleen, cudbi. Labadi wiil, waxaa ay soo qoortaanba, waxaa ay gabadhi cana ku soo gaadheen dugsi u dhaw gurigooda, ka dibna halkaas ayay balayax iyo canab, waxoo ah isku muteen, markii waxoogaa jikaar iyo haasaawe dhallinyaranimo oo goosgoos ah, la isku dhiib dhiibay, ayaa aakhirkii balayax weedhihiisi dhiibtay, wuxuuna ku tiraabay:

“Inanyahay waxaynu joognaa, xilli xun, waynuna daallahay, muaraadka ugu badan i kaa soo raaciyay, waxaa weeye; waxaa aan warkeeda doonayaa, inantii cudbi ee kol hore sheekadu inoo socotay, maxaad war iyo wacaal ka haysaa,reerkoodiise meel uu yaale ma garanaysaa?”

canab intay hogatay oo dhaxdeeda madagta ah,gacanta ku cuskatay ayay tidhi ;”horta inta aad iwaydiinaysaa ismaan lahayn, way isku baadiyoobeen,waxaase igu maqaala ah,inuu reerkoodu ka mid yahay beesha dagan idhanka xuunshaale,inankooda waynaana,colaadi dhawayd ayaa gaadmo lagu dilay,balse ismaan lahayn balayax waxbaa u baaqi ah,cudbi iyo reerkooda.iminkana waan hoyanayaaye ale baadida ha ku soo dhaweeyo.

balayax tashigii maalintaa ku gaadhay go’aan adag oo qalafsan oo qof dookh caashaq la ibtiloobay moyaane,qof kale jar iska xoornimo ula ekaanayo.wuxuuna go’aansaday wax kasta ha kala kulmee inuu subaxa aroortaa ah,afka saaro jihada ay cudbi ka xigto.sidaa awgeed,awrkii uu saylada hargaysa ku waday wuxuu kala tagay reer tuulada uu u hoydo ag yaal oo ay qaraabo ahayeen,wuxuuna ku yiri”awrka seeto adag ku xidha beertana ha daaqo,labo habeen baan idinka maqnahee”

Ka dibna wuu dhaqaajiyay, socdaalkiisi wuxuu ahaa mid jar iska xoornumo ah oo ku beegsanayay halka ay daggan yihiin cudbi beeshooda, “Nin cudbi ka maqan tahay, dhiirranaa” ayaa qalbigu ku xanshaashaqayay, jidka uu marayo fogaa oo cabsi badanaa, balayax wuxuu afka saray, ay jiq ah, oo ay kaga horreeyaan, dad cadaw u ah, oo haddii ay arkaan, aan bixinayn, waxaa kale oo ka horreeya, cadaw dugaag iyo kaymo uu libaaxu awda ka hayo, iyada oo aarka kaymaha, jamaal dhabanaya, ka abadan yahay, ayixii wartimirre, balse balayax waxaasi uma muuqdaan, oo arrinkiisa waxaa weeyaan, “Nin meel u caddahay, meeli ka madaw,” Cidna talo ma waydiin, ee hortaa  bannaan buu iskaga dhaqaaqay.

Baxdo iyo dhacdo, giddiga  maalintii wuxuu ku jiray, gucle iyo tallaabo dheer, fadalku dabayaalo, xiiq tirashana isku dayin, degsiimadu waxaa kala go’an, waliba col joogeen ah, halka uu ka yimid iyo halka uu ku socdo dab uma dhaxeeyo, wuxuu fadliyaba, goor habeen badh ah, ayuu hulaabtay go’ madaw, oo uu tuurta ku sitay, halkaas oo qiyaas ahaan kala ah halka uu ka yimid iyo halkuu ku socdo, waxaana weeye kayn cidlo ciirsila ah, oo ay sabaana-nuux dad iyo duunyo ugu dambaysay.

Habeenka ciyawga, wiiqda haya, jiriqaaga dhiidha haya iyo sawaxanka shimbiraha hareerihiisa ka shallaadaha ayaa wehel u ah. Balayax, habeenkaa socodkii kama jimcin, wuxuu ku tala jiraa inuu nuska hore ee habeenka ka gudbo soohdinta libaax galeenka badan. Balayax, ma ahayn nin fulaynimo lagu yaqaan, oo libaax ka baqa, habeenkana wax hub ah, toorri buu sitay, faro laabna waxaa u ahayd dhangad, baarka hore feedhan. Waayo sida uu socdaalka ugu doqomaysan yahay, ayuu hubkana nacas ka yahay.

Libaaxa meesha uu marayo ku nooli, wuxuu libaaxyada jiidaha kale ku nool dheeryahay, waa libaax dhadhamiyay hilib dad, oo wuxuu ka hororoobay, colaado ka dhacay, jiidda, oo hilibkooda cunay maydadka, raggi ay iska laayeen labada col; balayax, wuxuu saqda dhexe jeerinka iyo qansaxa jilibka ku dhuftaba, mar qudha ayuu meel dhabarkiisa ku beegan ka maqlay shanqadh iyo ci’ si ba’an u hanqdhaysa, ka dib, ninkii balayax waxaa kor iyo kal isku jabisay jidhiidhaco ba’an, dareen cabsi ayaa isku gadaamay, xaadda jidhkiisa ayaa isla joogsatay, xubin kasta oo jidhkiisa ka mid ah, waxaa siidhi ku war galiyay dareenkii cabsiyeed ee saaqay.

Kubabka illaa gacmaha waxaa ku baahay, fir-ka- nax cabsiyeed, garaaca wadnihiisa ayaa feedha ka rug leh, garay wuxu inuu libaax yahay. Mar kale ayuu maqlay, shanqadh tii hore ka yar, oo u dhawaaqaysa, (fuuf-fuuf-fuuf), waxaaba weeye aar libaax oo raadkiisa sanka la raacaya, waa bahal halaaqay, oo hilibka dadka u soo cillaacaya..