Wiil madi ah

 

Maalinta isniinta ee taariikha umadihi hadlay, waxaad maalin kasta oo isniinka boggan dhugasho kala soco kartaan taariikho xiiso leh.

Waxaa la yidhi wiil madi ah ayay bari hal ka fool ba’day, markaasay wiilal la raadiyeen, markay wiilashi daaleen, ayay ku dheheen; “Huunnoy, eegadaa waan daallaye, cabdullaahi cali dhagey oo gabdha doon ah baa reerahan lagu sheegaye, hasha ha kula raadiyo, annaguna aan dib ka soo rogaalayno”. Cabdullaahigu waa wiil ay wiilkan madiga ah qoys ahaan aad iskugu  xigeen. Marki bay wiilki iyo cabdullaahi hashi wada dooneen, waxay ku rafaadaanba way soo heleen, markaasuu isagoo ku dhaga hadlaya kuwii wiilka hasha si fiican ula dooni waayay, wiilkana dareensiinaya dhibaatada ay madinimadu leedahay wuxuu tiriyay gabaygan hoose.

-Tallaabada markay toosisey talanbashleynayso

-Toban wiil hadday hooyadaa tiro ku laalaabto

-Hashi toosanayd ogow togag ma goyseene

-Tolkaa loogu yeedhaa markay tuurahaas mariye

-Cabdullaahi baa tiir ka qaban bahalki toosnaaye

-Oo taw u soo odhan markaad tabasho oydaaye

-Ma tol baad ka dhiganey ninkaan teeyo kula doonin

Waxaan ka qoray xaliima cali wayd