Gabay:- DANAHEENA EEGA

CURIYE:- Aadam Asad Ibraahim

  1. Danbi maleh Qabyaaladi, Ninkii diido idilkeede
  2. Hayeeshee ninkii doojistaa,  duuda loo suriye
  3. Daacadiyo cadliga duul ka duday, duhur ma joogaane
  4. Danahooda way daba maraan, laga daboolaaye
  5. Dowladaha ma gaaraan dayaxa, duulimaad tagaye
  6. Waxashkiyo midkii dubi jiraa, dabro dabadeede
  7. Waxaan oga danleeyahay ayaan, idin dareensiine
  8. Iminkaba dadkeennaa qabiil, loogu dow galaye
  9. Saqiir iyo duqoow iyo dhamaan, da’yartiyo shaabka
  10. Gidigood wixii daashaday, sii dugsanayaane
  11. Kuwii hore dabkii ay shideen,  naarti lagu daatay
  12. Oo aan La damin bay markale,  dogobyo saareene
  13. Dooyiyo colbay dumahayaan,  daa’in abidkooode
  14. Xasiloooni lagu diirsadiyo,  diide nabadiiye
  15. Ubadkoodi way daayaceen,  mana daryeelaane
  16. Dariiqaad maraysaba wakaa,  tuban dadkeeniiye
  17. Dureemada kabadan maydka iyo,  dhaawac daadsaniye
  18. Dumarkeeni waataa saxraha, oon ku daashadaye
  19. Dibjirkiyo dadkii darafta yaal,  daalinbaa galaye
  20. Gaajadu kuway dubataybaa, docodocaystaaye
  21. Keenyan dalkii kaa diraa, kuugu sii darane
  22. Ragbaan jirin u diirnaxahayoo, galin daneeyaaye
  23. Nin damqada la waayoo dalkiyo,  eego danahiiye
  24. Qabiilbay la dananaan dhamaan,  duulku waa ebere
  25. Cadowgeeni kii ugu darnaa,  waakan soo dagaye
  26. Dabaabaadka baa lagu dunshaa,  daar wixi haraye
  27. Dheemenkaa la dalandalanayaa, dowrka maantada e
  28. Kaluun dabasho waa waxay,  badaha uga dinnaahayne
  29. Xoolaha dagaalbaa ku socon,  mana dareentaane
  30. Daawaday ku durayaan wallee,  waa sun tii darane
  31. Waa cadow dahsoonoo runtii,  way dagaalamiye
  32. Dadaal iyo juhday galinayaan,  dabarjarkeenaaye
  33. Daaqina ragbaa gubahayoo,  diiray idilkiiye
  34. Caqli durugsanbaynaan lahayn, lagu difaacaaye
  35. Qabyaaladi darteedbay indhihi,  damag yidhaaheene
  36. Anaa daran dantay ma aha iyo,  diidey taladiine
  37. Intii aynu doodaas wadney,  guurtay dunidiiye
  38. Rakaabaynu nahay doon sugiyo,  daaladii rariye
  39. Iga dadan waxaan doonayniyo goob la dagayaaye
  40. 39:Dakanada kuwii naga hayeen waaya badan daynay
  41. Damacbaa markale soogaloo way durbaan tumiye
  42. Daandaansibay muujiyeen wayna dagayaane
  43. Dal lahely sidiisii xadkay soo durjinayaane
  44. Waataa dafooftii (xabashi) xumayd doonyo keensadaye
  45. Safiiray u soo diranayaan daginka qaarkiiye
  46. Nin seexdaa sicii dibi dhalaa da in abidkiiye
  47. Inagaa duliga hoorsanoo duud naloo suriye
  48. Dubaabkaan ismaqal oon lahayn duub hagaajiyo e
  49. Dabcigiisabaan leenahoo daa in waa marage
  50. Dhex dabaasha goobtaad rabtaan dawarsadoo jooga
  51. Dunidana gunbaan noqonaynaa ciida lagu daadsho
  52. Dir dir loo dagaaliyo col iyo Guuto daba joogto
  53. Degin la isu diidiyo dhul iyo daaqa iyo baadka
  54. Hadaynaan xumaha daynin iyo dirirtan aafaysan
  55. Danteeniyo hadaynaanan garan diinta waxay reebtay
  56. isku dire hadaynaanan qaban daalin iyo tuuga
  57. Dalka waa la dhacayaa ragow goortan dabadeede
  58. Dunidana gunbaan noqnaynaa ciida lagu daadsho
  59. Waxbo yaanan maansada durjine waan dabrahayaaye
  60. Isku duubnibaa lagu helaa dowlad xoog badane
  61. Duul wada jir qaataan wallee cidi ku duulayne
  62. Danaheena eegaay ehlooy oo dadnimo raadsha
  63. Kala didid danaaniyo ka taga ehel dagaalkiisa
  64. Daalimkii wax dulmana qabtaay doogsi wuu imane