Q-5aad shan-daranley

An armed man, carrying a sword, walks alone down an empty road. (Photo by ANDREW HOLBROOKE/Corbis via Getty Images)

Balayax, cabsidii ayaa ku sii korodhay, ka dibna orad buu miciinsaday, libaaxii awelba orad buu ku jareye, isna wuu eryaday.

Hayeeshee, balayax habaq-habaqdii oradka ayuu xasuustay tabihii libaaxa la isaga difaaci jiray. Ka dib go’iisii ayuu dhudhunka gacanta bidix ku duubtay, wuxuuna ku leexday guri meel laga guuray ka dhisan, ka dib markuu arkay in uusan bahalkan sinaba uga baxsanayn, ayuu geed jabada ku ag yaalla orad ku fuulay.

Libaaxii isaga oo goojinaya oo balayax raadkiisa sanka ku haya ayuu dhaqsa ku soo gaadhay, balayax oo geedkii sii fuulaya, ka dibna ciddiyaha ayuu la laacay, isaga oo gurxamaya, lkn balayax wuu ka baxsaday oo ma uusan gaadhin , ka dibna inta uu geedki dhalada uga baxay ayuu rako yar badhida saaray, gacmahana laba laamood oo kala fog gacmaha ku kala qabsaday.

Libaaxii intuu indhaha kor u laliyay, afkana kala waaxay ayuu geedka hoostiisa istaagay. Balaayo kolba ta dambaa darane, balayax oo geedki saaran, oo is leh balaayadii waad ka badbaadday, iskana eegaya inuu libaaxu ku soo boodo, ayuu maqlay shanqadh kale oo haddana geedki gabigiisaba wada ruxday.

Wuxuu maqlay shamax shamax, ur aad u qadhmuuna wuu uriyay. Kor buu u eegay, saa wuxuu arkayba bahal mas ah, oo dabadu orgi le’eg tahay, madixiisuna ballaadhka aad yaabto, oo inta uu laan kale ka soo gudbay, gacantiisana soo dhaafay, aadna u malabsanaya oo galaabixinaya carrab labo farraaqleh ah, oo aad xadhig mooddo.

Waaba labo iyo luqun madoobe geedkaasi hoygiisu yahay, jabadana reerki dagganaa ayaaba maskan daraadii uga qaxay meesha. Ninkii balayax ahaa dhidid buur buuran ayaa shax ka soo yidhi oo tin iyo cidhib qooyay. Ka dibna intuu Balayax indhaha galka ka rogay, oo afku in taako le’eg kala tagay ayuu gacantii masku sarraa inta uu si dag dag ah kor ula booday, isaga oo qaylinaya oo firka naxsan , ayuu luquntii gacanta si xoog ah ugu dhuftay, oo kaga tuuray geedkii dabadeed maskii ayaa dhulka bab ku yidhi.

Culayska maska ayaa ayaa ahaa mid ruux la miisaan ah, ka dibna meel libaaxi u dhaw ayuu ku dhacay, dabadeedna libaaxii ayaa ninki mooday ka dibna ku soo booday

Maskii iyo libaaxii oo mid waliba cadhaysan ayaa geedka hoostiisi daf is yidhi. Libaaxii wuxuu bahal qaniinya ah afka ka buuxsaday adhaxdii maska, balse, ayaa isna miciyihiisii waabayda ahaa ku arooriyay dhagtii libaaxa, ka dibna siday isku haysteen ayay labadoodiba nafti ka baxay.

Balayax naxdintii ayuu ku qalalay laan geedka ka mid ah, walina cabsidii kama bi’in, maxaayeelay wax jawaab ah kuma aysan soo celin oo ma uu oga inay labadii bahalba dhinteen, wuuna arkayay in ay labada bahalba isku mar maran yihiin. Dabadeedna habeenki oo dhan wuxuu ku tigtignaa geedka baarkiisa.

Balayax wuxuu is lahaa libaaxa iyo masku iyagaa isku mashquulsan, oo haddaad is dhaqaajiso way kugu soo baraarugi doonaan sidaa awgeed, sanqadh neefsasho ka badan wuu iska ilaaliyay habeenkii oo dhan, qalbigana wuxuu iska lahaa; “Ilaahayow colkayaga col ku furo” waxaa kale oo uu hoos ugu xanshaashaqayay; “Alla maxaa kugu soo watay, geedkan jaan, oo aad dhirta kale u fuuli wayday.” sidaas ayuu naftiisa ku canaanayay.