SHEEKO GAABAN OO XIKMAD LEH

 

Waqti aan waqtigaan ahayn, waxaa si wada jir ah u wada noolaa nin ganacsade ah iyo xaaskiisa iyo caruur ay dhaleen.
Qoysku aad ayey noloshooda ugu raaxesan jireen, waxeyna lahaayeen digaaagad qurux badan, maalin kastana waxey dhali jirtay ukun dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, lkn ninka kuma uusan qanacsaneyn halka ukunta ah ee uu maalin kasta helayo, waxa uu rabay in uu ukumaha oo dhan mar qura ka wada helo digaagadda.
Waxa uu ku fikiray sida ay arrintaan ku dhici lahyd.
Isla markiiba waxaa ku so dhacday fikrad ah inuu digaagadda dilo si uu u helo ukumaha dahabiga ah oo dhan. Digaagaddii ayuu soo qabtay qoorta ayuuna ka jaray jirkeeda ayuuna baadhay, lkn waxa uu arkay dhiig socda oo keliya. Aad ayuuna u naxay sababtoo ah hal ukun xitaa ma uusan helin
noloshii qoyskana waxaa soo food saartay faqiiiirnimo

XIKMADDA SHEEKADA

NINKII WAX BADAN DAMCIYA_
DHAMAAN_AYUUU_WAAAYAA