Da’da gabayga waayadan ma rogin, Dabaqi saarnaaye
Ma durduuran maansooyinkaan, Diigga ku ahaaye
Ma doonyaysan geed goba baryahan, Damalki Weynaaye
Ma digriyin, ma daanshoon murtida, duub anoo xidhane
Ma daliilin , mana daah-furine , Waan dabroon dhigaye
Imikana ma doonayn inaan, Dihinka maalaaye
Waxa igu diraayoo murtida, Aan u daba joogsan
Damqashiyo xanuun jira Ayaan, Dabar-jaraayaaye
Dulucdayda maqal faysaloow, Waan dardhanayaaye .
Dunidaynu Joognee Khalkhigu, Dulundulcaynaayo
Ee dacal ilaa dacalka kale , Wada dawaafaayo
Bani’aadamkaa daadsanee, Wada dakaynaaya
Dubka kuwa madaw iyo kuwaa, Diirka sare cawlan
Kuwa daara jeexdiyo kuwani , Duudka wada qaawan
Kuwa doolar haystiyo kuwani, Diiftu halakaysay
Kuwan wali dameer fuushan iyo, doonyo kuwa raaca
Kuwa dawarsanaayiyo kuwani, Dabaqyo fuulaaya
Kuwa cudur diloodiyo kuwani, Kibir la daacaaya
Kuwan daranya laysiyo kuwani, Dawladaha sheegta
Afrikada kuwani daadsan iyo , Yurub duleedkeeda
Diiwaanka sare iyo sidii, Diinta lagu sheegay
Midna duub u gooniya malaha, Daraja dheeraade
Alleheenna Daa’ima dhankii, Waa Dad Waaxida.
Qof kastaba dun buu leeyihiyo, Daarad gooniyahe
Oday uu ku daba fayla iyo , Dir iyo Caynaane
Mana dooranine waa miduun, Loo diyaafadine
Dir Isaaq hadduu yahay amaba,Duudka Gadabuursi
Dagalkii Hawiye uu galiyo, Waliba Daaroodka
Digil iyo caleemaha hadduu, Diirka la wadaago
Dal jabuuti Ciisaha dagiyo, Xeebta Dacalkeeda
Dunjigiyo qabiilkuu noqdaba, Waa mid Daahira’e
Damac iyo rajay wada qabaan, Doogsi iyo khayre
Dadaal iyo kartina way huraan, Daafac iyo hiile
Dulmigiyo dhibtana way nacaan, Duudsi iyo faane
Waa Duul walaalaha dhamman, Oo Dal wada yaalle
Waa Uliyo diirkeed dhammaan, Waxu dahsoonayne
Waa Seedi dooriyo xigaal, Loo Damqanayaaye
Waa labada daan iyo ilkaha , Aan la daakhiline
Balse daallin hoosaa jiriyo, Duul waswaas qaba e
Shaydaan dayuusaa heloo, Waa dhanxiir darane
Dagaal iyo colaad buu rabaa, dira-dirayn jaane
Doc-faruur ayuu doonayaa, Daawo loo heline
Dan-wadaagta wuu kala raraa, Daayin abidkiiye
Wuxu Damacsan yahay waa inuu , Dilo dhallaankeene
Walaalkaa ayuu kuu diraa, Saad u dabargoyne
Damiirkiyo wuxuu kaa dilaa, Diir-nax oo idile
Diintiyo wuxuu dhaawacaa, Dhaqanka duuggaaye
Dab markuu bakhtiya buu haddana, Dogobyo saaraaye
Aakhira wuxuu daydayaa , Naar ku dubataaye
Adduunkana wuxuu damacsan yahay, Daadun iyo ceebe
Waar qabyaalad diidoo Dadyahow, Haw durbaan tumina .