Q-6aad shandaranley

Balayax, wuxuu habeenkii oo dhan geedka dushiisa ku tigtignaadaba, markii kaaha waabari soo iftiimay, ee nin iyo geed la kala gartay ayuu hoos u soo yara daadagtay, oo isha ku biniiniyay labadii bahal oo geedka hoos jiifa, shaki baa kaga hiray inay bahalluhu nool yihiin iyo in kale. Dabadeedna wuxuu arkay dhiig badan oo maskii ka qulqulay iyo libaaxii oo lugta taagay, ka dibna qunyar buu hoos ugu soo dhaadhacay, isagoo wali shikisan oo aad isku ilaalinaya dhulka markuu qoobka la helay, isaga oo aan xaggaa iyo xaggaa midna eegin, ayuu orad cagaha wax ka dayay, dabadeedna isaga oo aan mar qudha neef tiranin ayuu orad ku tagay meel seddex geel daaq u jirta geedkii.

Balayax, intuu dhawr jeer xagga dambe iska dhawray ayuu ma uusan istaagine rucle cagaha boorimaystay. Wali wuu naxsan yahay, wuxuuna iskula muuqdaa nin balaayo ka samata baxay, cunto uu dhadhamiyo waxa u noqday qodxaha cambuusha loo yaqaan ee ka baxda geedaha sarmaanta iyo qudhaca, midhaha curdinka ah iyo xaangeeyada iyo wixi la mid ah.

Takale dad araggooda wuu iska ilaalinayaa, oo kaba sii daran bahallihii uu xalay ka badbaaday, , maxaayeelay, wuxuu ku soo foollan yahay jiiddii ay dagganaayeen beeshi Cudbi ee ay beeshoodu colaadda ka dhaxaysay. Sidaa awgeed, wuxuu il foojigan iskaga ilaalinayaa wixi bidhaan rag ah, maxaayeelay wuxuu ka baqayaa in la arko, maaddaama haddii la garto dhagta dhiigga loo darayo.

Balayax goor casar gaaban ah, ayuu gaadhay jiiddii beeshu dagganayd, dabadeedna isaga oo is qarinaya ayuu iska dhax qaaday kaymihii xooluhu daaqayeen, wuxuuna ka baadhayay, xoolaha kaymaha daaqaya wax leh summada cudbi xoolahooda, balse mar dambe ayuu arkay awr raray ah oo qoorta ku leh laba farood iyo xareed, dabadeedna wuu gartay, in ay awrta summaddan leh ay tahay awrtii cudbi reerkooda, aad ayuu u farxay ka dibna, kayntii ay awrtu daaqaysay, ayuu dhabbacday, markuu cabbaar meel carro bacaad ah oo awrta u dhaw jiifay, ayuu mar dambe meel suryo ah ka halacsaday laba dumar ah oo awrtii xadhkaha ka furfuraysa, ka dibna, intuu soo dhukusay ayuu ku soo dhawaaday, si uu wajiyadooda u garto.

Wuxuu soo dhukusaba, meel cabbaar u jirta markuu u soo gaadhay, ayuu gartay mid inay Cudbidi uu raadinayay tahay, wuxuuna hoos u yidhi; “Wallee waa iyadi”.

Balayax markuu cudbi isha ku dhuftayba waxaa jidhkiisa isku jabisay jidhiidhico-farxadeed, madaxana waxaa ka fuqday qolof wayn, jawi nayaayiro leh ayaa ku soo kordhay dareenkkisa wuxuu isku qanciyay inuu muraadkiisi gaadhay, xoogaa ayuu soo dhawaaday, markuu inyar u soo jiro ayay gabdhihii awrtii xadhkaha ka wada furfureen, oo intay isku soo duween xagga reerki u kexeeyeen.

Balayax baadidii uu khatarta badan darteed u soo marayay way u dhawdahay haatan, laakiin lama uu kulmi karo, maxaayeelay kaligeed maaha oo gabadh kalaa la socota. Sidaa darteed, isaga oo is qarinaya ayuu iska daba galay. Dhawr jeer ayuu isku dayay in uu cudbi kaligeed is tuso, balse uma suurtagalin taasi. hase yeeshee, gabdhihii oo meel dhexe awrtii sii carraabinaya, ayay laba nin oo dhallinyaro ahi dhaxda kaga soo dheceen.

Labada wiil mid kood ayaa qori garabka ku sita, waxayna awrtii la kexeeyeen gabdhihii, ka dibna waxay billaabeen sheeko kaftan ah.

Balayax kama uusan hadhine qunyar ayuu uga daba galay, jaaniskii uu gaadayayna waxaa dhiciseeyay labada wiil, marka waxay noqotay uun in uu iska daba dhuutaaleeyo.

Wuxuu daba socdaba goor makhribki ah…