Il-adag arooskeedey ka dheeshaa!

 

Hadallo taariikhi ah, waxaad kala socon kartaa boggan dhugasho, maali kasta oo isniin ah, haddi Alle idmo.

Muxubo caamir

Waxay ahayd qof caqli badan, waxaana adeer u ahaa Sayid maxamed Cabdille Xasan. Iyadoo yar ayaa laga soo guursaday gobalka Qorraxey waxaana la geeyay oo ay ku carruura dhashay gobalka Af-dheer ee dawlad deegaaneedka soomaalida galbeed. Waxay ahayd baa la yidhi haweeney aad u caqli badan oo bulshada sharaf badan ku dhax leh. Marka waxay gabdhaheeda iyo gabdhaha kaleba ku waanin jirtay waanooyin wax ku ool ah, sida; in ay gabdhuhu edboonaadaan, inay xishoodaan, in ay kaadsadaan iyo wanaag oo dhan ayay u sheegi jirtay. Sidaa darteed, hal-hayskeedu wuxuu ahaan jiray, “Hooyo Il-adag arooskeedey dheeshaa”. Markaasay habdhaheedi baa waydiiyeen, “hooyo noo sheeg waxa aad ka waddo odhaahdan?” Markaasaa waxay ugu sharraxday, gabadha aan yaraanteedi dhawrsanayn in ay arooskeeda iyadu ka cayaarto, cuntadana ay iyada dadka ugu hor cunto, oo aysan wax qaddarin ah ka helin gayaankeeda oo dhan.

Waxaan ka qoray Xaliimo cali gaax oo ay dhashay Alle ha u raxmee Muxubo Caamir