Maahmaahyo

 

Isniinta maanta ah waxaan qaadanaynaa maahmaahyo cajiib ah oo reer miyiga ay aad u isticmaalaan.

1. Naag aan lug qabadka ku bartay, wiilkeedana kaalin qabadkaan ku gartaa
2. Rag wax garan maysid laguma dhehee, isku si wax u garan maynaa lagu dhahaa
3. Rag hadal madaxladuu u istaagay
4. Wiil iyo wadba waxaadan ogayn bay kuu keenaan
5. Tufe iyo tababtaabiye midna looma teelo
6. Nin gabadh kaa guursaday toddoba awow ayuu kuu amaanay, nin gabadh kugu furayna toddoba awow ayuu ku caayay.
7. Guurkisan baa gaynsan leh
8. Siifan ayeeyo waa loo sinsinniyaa