Gabayga:- HALAAG

Curiye:- Axmed Siciid Warsame ( axmed Ciroowe ).
Suugaan rag baa hawl u gala, Hiirta Waabariye
Heesana rag baa tirinayoo, Lagu Halleeyaaye
Aniguna Hilaaddiisa gabay, Hadalka aan dhiibo
Halaag iyo dhibaataan marniyo, Holac dagaaleede
Reerkii horwayn maalayana, Dharag la heehaabye.
Ku kaloo ka hooseesaya buu, Sii handadaaye
Dulmigaa hadheeyay wataan, had iyo goortiiye.
Beel wali waxay ku hammidaa, Waa Halyay dila’e
Hindisaha Qabiilnimo intaan, Wada Habaynayno
Qarannimo inaan haybinnaa, Ila habboonayde
Hubaal weeye nabaduna inaan, hawl ku bixinnaaye.
Hoos iyo hadh weeyaan cadligu, Haqab-tir weeyaane.
Anaa hadhay se loomaba hadloo,Hoorshay Gabaygiiye
Nin walboow horseed baa tahaye, hiilka Qaran muuji
La dagaalan hayb-haybta iyo, Hebel la taageero
Haldoornimo ragyahaw muujiyoo, hadafka meeleeya
Haadaanta laga hooban karo, Hubiya oo eega
Anna hadalka soo gaabiyee, Tabiya Hawraartan