Balayax welwelki iyo welafka haya awgii, intii fiidka ahayd ee xoolaha la maalayay, way kala badnayd sanadkii ay kala maqnaayeen. Kadalloob iyo kuudud xumo ayaa jidhkiisu la curqay.
Hase yeeshee, marki ay caways dambe sugistii la marayso, sawaxankii iyo sanqadhii reerkuna yara naaqustay ayuu is yidhi; “Aar meeshan cidina kuugu iman maysee, maxaad yeeshaa? Allaylehe guriga ku yara dhawow” ka dibna intuu soo gurguurtay ayuu ku soo dhawaaday aqalladii. Reerku waa afar aqal oo waawayn iyo buul yar, wuxuu gartay in buulka yari yahay kii Cudbi, ka dibna isaga oo dhuutaalaynaya ayuu dhinicii buulka ku dhawow is yidhi, markuu buulkii in yar u sii jiro, ayaa guurguurashadisii adhigii bahal mooday, markaasuu bahal didma ah oodda jabiyay. Dabadeedna inta qaylo la isla oogsaday, ayaa dadkii aqallada ku jiray dibadda u soo wada baxeen, oo la mooday in bahal soo dhacay. Cudbi aabbeheed oo ardaaga jiifay ayaa intuu soo fadhiistay, oo kor u qayliyay yidhi; “Naayaa Cudbi, waa maxay waxa adhyaha didiyay? ma dhurwaabaa bal eeg”.
Cudbi oo iyadu fahansan in waxa adhyaha didiyay uusan bahal ahayn, ee ninkii balayax ahaa oo soo gurguurtay yahay, ayaa waxay aabbeheed ugu jawaabtay; “Aabbe bahalna muun arage, wuxuu ka didayaa karbaashkaa geedka saaran”. Ka dibna cudbi oo werwersan qalbiga ka leh “Ilaah baa xaal astura” ayaa iyada oo waalidka yool baadhaysa, si loo moodo inay seexatay, buulkeedii gashay. Isla markaana waxay isku diyaarinaysaa sidii ay balayax banaanka ugu bixi lahayd, balse intii aanay bixin, ayaa waxaa u yimid laba hablood oo doonayay inay la caweeyaan, halkaas ayay cudbi fursadeedii kaga dhabaqday.
Iyada oo ay cudbi iyo gabdhihii u yimid buulki dhex fadhiyaan, ayuu balayax guurguurasho ku yimid buulka dhiniciisa, dabadeedna intuu fadhiistay meel ku beegan halka ay cudbi fadhiday, oo sida tuugada shanqadhi iska ilaaliyay ayuu ushii uu sitay ka dhax dusiyay buulki docdiisa wuxuuna dhabarka kaga muday cudbi oo sii jeedda, si uu isku ogaysiiyo inuu joogo, oo ay ugu soo baxdo.
Cudbi markii ay ushii dhabarka ka taabatay, wax dhaqdhaqaaq ah ma aysan muujinin, dareen eegmana iskuma aysan dayin, waayo way iska garatay cidda usha taabsiisay.
Dabadeed si ay balayaxna jawaab u siiso, cawayska hablahana u sii waddo, oo ay iskaga ilaaliso in la fahmo, waxay samaysay sheeko sarbeeb ah, oo ay balayax wax ugu sheegayso , ka dibna intay hablihii soo jeedisay oo hadalkii kor u qaadday ayay tidhi: “Naayaadha hee, caawa waan idiin sheekaynayaaye i dhagaysta. Bari baa waxaa la yidhi: “Wiil iyo gabadh baa is jeclaa, waxaa ayna ku ballameen in ay is guursadaan, iyaga oo aan wali isguursan ayaa dagaallo dhaceen, oo labadoodi beelood is kumaadeen, dabadeedna colaadii baa kala fogaysay. Markii ay sanad kala maqnaayeen, ayaa wiilkii soo raadiyay gabadhii, ka dibna wiilkii iyo gabadhii waxay goor fiidkii ah ku kulmeen meel gurigii gabadha u dhaw.
Kadibna gabadhii waxay wiilkii ku tiri: “waan kuu soo baxayaaye, geedkaa hoostiisa igu sii sug, dabadeedna wiilkii baa intuu sugi waayay, buulkii gabadha dabadiisa soo fadhiistay, ka dibna gabadhii oo gabdho kale la sheekaysanaysa, ayuu ul dhabarka kaga muday, markaasay gabadhii wiilkii ku tiri: “Inanyahaw ma hedi ku wadday, mise hunguri ku wad, mise hammo ku wadday?
Haddii hedi ku waddo soo soco, raggaasi ha ku dilaane, haddii hunguri ku wadana, mus dambeedka aqalka dhiisha caanaha ah, ee ku jirta orod oo kala bax, haddii hammo ku waddana, halkii lagugula ballamay ku noqo waa laguu imaane.”
Balayax markuu fahmay in hawraartu isaga ku socoto, ayaa inuu dib u gurtay, oo dhiishii caanaha ahayd, muskii kala baxay oo uu iskaga jabiyay gaajadi haysay, ee dhawrka galin ku qaadhsanayd, ayuu ku noqday geedkii ay fiidkii ku ballansanaayeen. Xilligi hurda dakharta la iska riday, oo ah habeen kala badhkii ayay cudbi soo baxday, oo u timid balayax, oo xidhkii ay ku ballameen yuurura, halkii bayna isku waraysteen.
Intii aanay guda galin sheekadii waayo-waayo iyo arrimihii guurka, ayay cudbi hadal canaan iyo calaacal iskugu jira ku billawday balayax, waxa ayna tidhi: “Miyaad waalan tahay? Maxaad halista intaa le’eg naftaada u soo marisay? miyaadan ogayn in haddii ay iminka walaalahay iyo ilma adeertay ku arkaan in ay ku dilayaan, gacaliye maxaad naftaada halis u galinaysaa? Tan kale dhulkaad soo martay, waa dhulkii uu sida kashkaashka u jiifay libaaxii dad qaadka ahaa, arladaad soo martayna waa cidla ee sidee baad uga soo samata baxday?”
Balayax intuu dhoollacaddeeyay ayuu yidhi: “Gacaliso, horta libaaxaasi tuu xalay i baday kaagama sheekayn karo, waxaase igaga darnaa, mas iga helay geed dushii. Khatarta aad sheegayso way ii muuqatay, laakiin, waxaas oo dhan, wax baa iiga waynaa, waana adiga, waayo muxubada aan qabo ayaa i shidaysay.
Tan kale, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa bahalka axdiga la yidhaahdo nin garanayana eebuu ku yahay, ninki aan garanaynina waa ku ilaaq. Sidaa awgeed, ballantii inoo dhaxaysay, ayaa col dad iyo dugaagba iiga darraatay, waxaana rabaa in aad caawa i raacdo, oo aad fuliso ballantii inoo dhaxaysay.”
Cudbi waxa ay isu dayday in ay balayax ku qanciso jawaab aan raacid dagdag ah ahayn, waxa ayna tidhi: “Walaal horta been kumaadan sheegin in ay ballan inaga dhaxaysay, balse, waxaa ka soka martay arrin aynan markii hore tirada ku darsan, oo waxa dhacday colaad. Sidaa awgeed, habeenkan caawa ah adiguna guri kaanaga ah ku badbaadi maysid, anigana lagama yaabo in guri kiina ah la iigu gaafo, ee talo iga hoo, ballan dambe aynu dhigano, oo aynu yara dhawrno in wakhtigu isbadalo, oo ay colaaddu qabawdo.”
Balayax kuma uusan qancin hindisaha iyo talada cudbi soo jeedisay, wuxuuna yidhi: “Gabadhyahay, intaas oo khatarood oo uusan Alle i badin, ayaan adiga awgaa u soo maray, iminkana laba hal kala dooro, in halkan la igu arko oo maydkayga la dhigo, oo ay walaalahaa iyo ilma adeeradaa barri igu dhagaroobaan iyo inaad meeshan iga raacdo, labadaas arrimood wax ka dhaxeeya oo kale ma jirto.”…