Sheeko taariikheed

 

Waxaa la yidhi seddex tuug ayaa maalin soo xaday hanti ku filan inta nolashooda ka dhiman, habeenki markay seexdiin ayaa mid kastaaba riyo loogu yimid oo loo sheegay xilligay dhiman lahaayeen oo aad u dhaw, markay soo tooseen ayay isku warrameen. Markaas ka dib ayay ka tashadeen siday cadaabta aakhiro uga badbaadi lahaayeen.

Mid ayaa wuxuu yidhi, “anigu waan soo xajin”,
Midna wuxuu yidhi, “Anigu masaajid baan dhisi”
Midki kalena wuxuu yidhi, “Anigu waan guursan”

Kii xajka aaday isagoon wali gaadhin ayuu dhintay, illeen barigaa waa la lugayn jiraye, kii yidhi masaajid baan dhisina isagoon wali dhammaystirin ayuu dhintay, kii waan guursan yidhina markuu qoftii la aqal galay ayuu dhintay, balse intuusan dhiman ayuu qoftiisi kula dardaarmay: “Ilmihi aan dhalaa qur’aanka bar”. Seddexdi tuug wax dad umbay dhici jireene, markay dhinteen waxaa la geeyey cadaabti. Kii guursaday qofti wiil ayay u dhashay, markuu yara korayna waxay gaysay dugsi qur’aan, markii ugu horraysay ee uu Bismillaahi yidhiba waxaa naarti laga soo saaray aabbihii, markaa ayuu soo istaagay, waxaa la waydiiyay maxaa kaa dambeeya oo aad sugaysaa. Markaasuu yidhi labadaydi saaxiib ayaa cadaabta igaga dambeeya. Sidi baa igana naarti lagaga soo saaray.