CURIYE:- SAALIM AXMED SAALIM
Indhawaydba gabay maan bud-dhigin, belelkii maanseede
Bidixaynta waayadan jiraa, baajay hadalkiiye
Marka aan bilaabaa murtida, Togag ka buuxshaaye
Bayloojigaan garanayaa, beeni iga dheere
Bulshaduba dhammaanteed kolkaa, bayrka wey heliye
Bal aan tiriyo maantoo kalaan, baaci leeyahaye
Bilis iyo abwaanoow ka dhereg, waan budlinayaaye
Intaa gabay bushaariyo ku daa, bilowga suugaanta
Mid kalana bayaan iiga maqal, baahi dhegahaaga
Addunyadan dadkani baahsanee, baasid ku abuuray
Badweyntaa jabaan iyo ilaa, beled maraykaanka
Barafley waqooyiyo galbeed, yurubta baasheeda
Bi’ni aadam waa wada jiraan, sida batuuxaase
Bangaalkiyo hindiya oo dhan iyo badiba jayniiska
Beyruut lubnaan iyo ciraaq, sheedda bakistaanta
Turkey baallaheediyo xijaas, buurahaa yamanta
Beledada khaliij iyo dhammaan, ceesha carabtoo dhan
Berber iyo afriikaanta badan, ammase baajuunta
Borma iyo Fitnaam iyo dhulkaa, beelo lagu noole
Qolo wali bartuu Eebbe dhigay, Baarax uga yeelye
Dadku baha-bahaysiyo ma qabo, belo qabiileede
Soomaalida waxaa baaba-shee, biiyay taladooda
Barakada waxaa qaadayee, ba’a abuuraaya
Waa bukaaan qabiil iyo xanuun, beeran abidkoode
Waa boog la dhayayoo haddana, aan bogsanaheyne
Waa belo ibliis oogayoo, lagana baydhayne
Waa wax beledka soomaali yaal, lana binaystaaye
Inta baarri lagu diley wallee, buugtu qoriwaaye
Maxaa badaw dambiili’i intuu, baashe sare dooxay
Maxaa weli Ilaahay baryoo, oon bar ka ogeynba
Birta iyo ablaydii maxaa , lagu bashaaqeeyey
Maxaa xoolo bini’adam kale, baadil lagu daaqay
Maxaa wiil barbaaroo tacliin, waayo baranaayey
Oo baajuleer qaatayoo , shaqo u soo baasay
Walibana Bushaariyo bilkhayr, biyo-dhac Eegaayay
Maxaa sabab qabiil loo bahdilay, loo banjarinaayay
Isagoo belbelayoo kolkaa, cadho la buuftaami
Muxuu odey bah-diisaa ahaa, ula baroor-doontey
Dhibaatada qabiilkani na baday, buur ka culus weyne
Soomaalaay wax baad baahisaan, mana buseyshaane
Bog-cadka iyo maankaydin maqan, bogganna maysaane
Laaluush badnaadaad rabtaan, baahi joogta ahe
Balse shay bislaadaan arkee, boowe ila dhowra
Taariikhda bilan baa astayn, beyt-ka aan degiye
Baal saarkan leeyaa i yidhi, waa bilkheyr timiye
Bunduqiyo qoryaha naga dhigaay, wada bushaaraysta
Waa bikaacsi nuur iyo iftiin , biligti roobaade
Ku bineeya nolol loo bandhigo, badiba soomaali
Ku bugsooda nabad baaxad loo, lagu barwaaqoobo
Ka dheeraada beladuu qabiil, boogtu nagu beeray
Ku dadaala barashada aqoon, baabkan lagu reebo
Bogsashada markaan taam galnana, barakacii doona
Burburkiyo dhibkana kii na badey, soo bandhiga tuugta
Intaasoo bushaara ah gadaal, kii wax burinaaya
Bulshadeyda kii bi’inayee, balada aasaaya,
Ee baladka soo gala wallee, beerka ka ogsooni
Siyaasiga ninkii been wadee, booba shacabkeena
Bulxanka iyo qaylada la raba, beerka ka ogsoonii
Basar-xume munaafiqa dhabtee, laba-boglaynaaya
Bahjadiyo bilcaantana xumayn, beerka ka ogsooni
Beelaha ninkii kala raree, qaxar dhex beeraaya
Balaayada ninkaa oogayee, bigil afuufaaya
Bihinbiha ujeedada qarsoon, beerka ka ogsooni
Bilaalaha ninkii qaata ee, biriwaxaynaaya
Iyo kii bukaan-soconayee , aan bad-qabin gaajo
Ee aan bandhigin cabashadee, sharafta beecaynin
Labadooda kii baahi qaba, beerka ka ogsooni
Barwaaqada ninkii baaf ku sida, beerka ogsooni
Burcad kii agoomaha u marin , beerka ka ogsooni
Bajiino-da ninkii naga yarayn, beerka ka ogsooni
Bu’yartii qabyaaladi lahayd, beerka ka ogsooni
Diintayda kii boobayana, beerka ka ogsooni
Intaas oo bushaara ah dhammaan, beerka ku adkayno
Baylahdeenna oo idil intaan, beyt isugu keenno
Beeraha intaan qodanna oo, dalaga baaqbaaqno
Beenyadiyo xabagtana kolkaa, gebiba boohaarno
Buxuurtiyo intaan culimadii, baal u wada saarno
Oo aan gacmaha buuxsannoo, baasha ka adkeyno
Aynu barino boqorkeen Ilaah, inu Barwaaqeeyo !!