Q-9aad shandaranley

“Gabadhyahay, intaas oo khatarood oo uusan Alle i badin, ayaan adiga awgaa u soo maray, iminkana laba hal kala dooro, in halkan la igu arko oo maydkayga la dhigo, oo ay walaalahaa iyo ilma adeeradaa barri igu dhagaroobaan iyo inaad meeshan iga raacdo, labadaas arrimood wax ka dhaxeeya oo kale ma jirto.”…

Cudbi cabbaar ayay yara aamustay, oo ay goradda laadlaadisay, oo ay dhulka dul-hogatay. Dareen qiiro leh, ayaa jidhkeeda mushaaxay, waxaa qalbigeeda aad ugu duxay kalgacaylka balayax la hoos joogo.

Jacayl hor leh ayaa cudbi ku habsaday, duruufta meesha taal iyo kalgacaylka balayax soo laba dibleeyay ayaa beerkeedu hayn waayay, ka dibna beerkeeda ayaa aad u danqaday, oo jacayl oodihiisi wataa dabarka ku soo goostay, mililico jacayl baa dareenkeeda saaqay, waxa ay istidhi, kor u eeg balayax, ka dibna, baalasha hoose ee indhaheeda ee quruxda badnaa, ayay ilmo buurbuuran ka soo daadatay, labadeeda dhaban ayay shalmadeedii ku dabooshay, iyada oo oohinta ceshanla.

Cudbi kolba waxay isku daydaa inay hadasho balse waxaa ka soo bixi la’ kalmadihii ay odhan lahayd. Hasa yeeshee, markay cabbaar kala aamusnaayeen, ayay ugu dambayntii tidhi: “Gacaliye waxba kulama diidaniye, adigu inoo tali.”

Balayax wuxuu cudbi u sheegay in uu awr dhaxda kaga yimid, wuxuuna u soo jeediyay inay is raacaan, oo intay awrka sii ka xaystaan ay Hargaysa ka sii iibsadaan, dabadeedna ay walaashii oo Hargaysa daggan agteeda ku aroos galaan, maaddama ay beelaha miyiga colaadi u dhaxayso, oo aanay balayax reerkoodu u cuntamayn guurka gabadh ay qabiilkoodu is dirirayaan oo colaadi dhaxtaal.

Cudbi oo waligeedba baladka u xiisa qabtay, ayaa hindisaha balayax calood adayg hor leh u siyaadiyay. Ka dibna, waxay u soo jeedisay, in ay habeen dambe isla guuraan, maaddaama caawa uu waagu ka baryayo, oo uu habeenki in yar ka hadhsan yahay.

Cudbi waxay balayax u soo jeedisay in uu dhabacdo xidhkii ay galabta awrta ka soo kaxaynayeen iyada iyo gabadhi kale, isna wuu yeelay, wayna is macsalaameeyeen, wayna kala tageen, markay isla qaateen halkay iskugu iman lahaayeen.

Balayax maalintii dambe oo dhan wuxuu iska dhex seexday xidhkii ay ku ballameen, illeen waa nin aan labo habeen iyo laba maalmood aan il iyo baal isku qabanine, Wuxuuna dhex galay geed jiq ah oo aan la arkaynin qofkii galaa. Cudbi waxaa ay iyana maalintaas oo dhan ku jiray tabaabusho iyo diyaar garow hoos hoos ah, oo ay ku xamaan uruursanayso. Hasa yeeshee, goor ay qorraxdu hadhka taaggiisa ka tagtay ayay cudbi dhiil yar caano ka buuxisay, oo ay afka saartay dhanka xidhkii uu balayax jiifay, ka dibna waxay ugu timid geedkii ay ku ballansanaayeen, isaga oo jiifa ayay caanihii madixiisa dhigtay, markaasay isaga oon dareemin ka laabatay, iyada oo aan hurdadiisa ka toosin.

Dabadeedna goor dambe ayuu balayax soo toosay, wuxuuna arkay dhiil caano ah oo ag taalla, ka dibna intuu labada dhinac qabsaday ayuu sida goofanaha ugu dibbiray, waayo wuu iska gartay in farsamadu tahay tii cudbi, oo aanay ciirsi cid kale ugu maqnayn.

Cudni maalintaa cidna lama talo ahayn, arrinkeeduna wuxuu ahaa, “Dameeraley dad la xeer maaha”. Dabadeedna goor ay casar gaab ahayd ayay cudbi awrti doontay, iyada oo qasadkeedu yahay inay ka faa’idaysato arrimihii ka dhaxeeyay balayax, si ay wixi ballama ah ee ambabaxooda ku saabsan iskula meel dhigaan ugu dambaynta. Cudbi markay dhaxda sii marayso ayay isla sheekaysatay, waxaana u muuqatay, in ay galabta tahay, galabtii ugu dambaysay ee ay reerkooda ay awr u soo xarayso. Cudbi, waxa ay ahayd 18 jir, inteeda ku hawl kar ah, waxay ahayd quruxley khaaliqu jidhkeeda ka ilaaliyay xubin la naco.

Midabkeedu waa maarriin dhalaal casaan xiga, luqunta qotonka u baxday ee cabaadhyada leh, gacmaha jalaqsan dhexda madagta ah, kubabka cuddoon ee hilibka ilaa shidhixyada buuxo iyo wajigeeda jaah-qabatinka leh, ayaanay daymada jalleecada waligeed ka jeedsanayn, waxaana Ilaahay ku mannaystay joog iyo jinni aanay qofki arkaa abid ka xiiso dhigaynin. Cudbi intay galabtaas isa soo qurxisay ayay si yaab leh u soo tallaabsatay, iyada oo timo tidcan.

Cudbi markay awrtii xadhkaha ka soo furfurtay, ayay ku soo beegtay xidhkii uu jiifay wiilku, balayax kolkuu dareemay in ruux awrta soo wado, ayuu iska hubsaday in ay cudbi tahay iyo in kale, geedki ayuu ka soo baxay, wuxuuna arkay in ay iyadi tahay, waxayna cabbaar yara istaageen geed dhaxdii, inkasta oo uusan hadal badan qabyo ka ahayn oo ay horay u dhammeeyeen, haddana waa dad muxubbo caashaq dhaxtaallo, xoogaa markay yara sheekaysteen, ugu dambayn balayax ayaa yidhi: “Gacaliso orad Awrta carraabi, ballantana halkee baan caawa iskugu imanaa?”

Cudbi waxay tidhi: “Gacaliye, geedkii xalay miyaad ka habaabi? maya ayuu yidhi, markaasay tidhi: “Amintuna, waa xilligii hurda dakkharta hore lagu jiro, ee reerka adhyaha ha ka didin sidi xalay anigaa kuu imanayee.”…