sheeko run ah-libaax dad cun ah!

Gariirre

Markuu libaaxi dadki ka wada qaylisiiyay, ayuu wiil gariir ah qaaday, qaw buu la fuulay dhaladii, qawyihi dheerdheeraa ee gariirre. Way isku qaylyadeen, aw, aw, aw, aw, aw, aw, ayagoo afar boqol dhan, oo dabley ah, ayay dheheen qawgan soo maaha, ninki qawgan baa lala fuulaye hareeraha, boqoley xaggaa ka soo fuul, boqoley xaggan ka soo fuul, boqoley xaggan, Ninkuu ka baxsadow, dhagcas baa tahay. Sidi bay yeeleen. Shaw meel qawga dhaladiisa ahoo, yar jaran jeero ah, ayuu wiilki ku cunayaa. Kolkuu raggi raaci u horreeyay soo galay, oo shanqadhi uu maqlay, ayuu yidhi deedna, ma iska celisid adaa laguu socdaaye, urrrrrrrruf buu soo yidhiyoo, nin buu isku duubay, nin kalaa soo orday oo, dhagtiyo cardhalkuu dhab siiyay, ku kalaa soo ordayoo dhagti kaliyo cardhalkuu dhab siiyay, kuwi kalaa deedna soo ordoo, dulka dhuuntaa intii laga saaray, kolki raggiyoo uu la tuman hayo. Dulka dhuuntaa intii laga saaray, oo waxay dheheen ay dhax qaatay, ayay saa u futa rogtay deedna. Dhimay, kolkay dileen yay madixiisi soo gooyeen, kolkaasay soo jiideen. Ninkii uu cunay daahir baa la dhihi jiray.

Markaasay ku soo dhaanteeyeen: “Daarood iyo daahir buu cunayoo, dadkii magarraa dalkii furay” Daaroodka ay sheegayaan waa Cawlyahan oo ay garriirraha daris yihiin oo uu iyaguna libaaxan isaga ah dhawr nin ka cunay. “Daarood iyo daahir buu cunayoo, dadkii magarraa dalkii furay” sidaas ayay ku soo dhaanteeyeen. Dhaarti ka dib, ruux uu qajac ka siiyo lama arag, Balse kolba ku horlaa kici jiray.

Waxaa la yidhi, isla baryihiiba waxaa haddana soo caan baxay libaax kale oo dadki dhadhansaday. Habeen habeenada ka mid ah, ayuu wiil marti ah ku soo dheelmaday reer yar oo jees ah, waa la martiqaaday, balse carrada oo aan laga shikisanayn, oo waayadaas aan lagu maqal wax libaax oo dad-qaad ah, sababtaa awgeed ayaa wiilki loo seexiyay meel gole ah, oo bannaan ah, balse nasiib xumo wiilki waxaa habeen kala badhki la booday libaax dad-qaad ah, markaasuu ku dhawaaqay: “Aadanow iga rida”.

Aadanki oo guri ku jiray ayaa soo booday, balse isna waxaa lugta u galay xadhig dhawr jeer oo is xigtana wuu kufay, nasiib darro wiilkii oo uu libaaxii aad u dhaawacay ayuu ka soo riday, kadib wiilkii wuxuu noolaa uun hal maalin ah.