CURIYE:- Cukaashe Maxamed
Dalka :- France
Waxaan laamadoodkiyo hurdiyo, jiifba ledi waayo
Oo aan legdama oo saq dhexe, gogosha laalaabo
Tix aan xalay ku luuqshaan cabdow, luun ka rogayaaye
Nin labaatan jira baan ahoo, laliya suugaane
Hadba xaajadii laalantaan, gabay ku liishaaye
Inaan xaqa u looggaa waqay, way lillaahida.
Kashaydaa laxiiboo dadow , neceb lur soomaale
Nin qabiil ku luuf-luufayaan, libin ka gaadhayne
Waa waxaan la kawlaynayaan, labo ku boodayne
Nin Walaalki luuq ugu jiraan, laasimayn faraxe
Laagta dawliskeedi haddaan, laba lug loo soohin
Deg-deg waw lufoobaa markuu, dhaguxu leefaaye
Waxaan nahay lag iyo beer misana, laab kuwada yaalle
Ladh qabiil inaga reeba oo, lahashadii daaya.
Hadaan sii luggooyoo murtida, lawyadaw bixiyo
Gabay laaxin buuxshaan wax badan, leeda-fuul idhiye
Kanse waan lingaxayoon hubsaday, layliyoon qoraye
Nimanyohow lodkaygii xikmada, liice oo dhige’e
Anna waxan u laaasimahayaa, waa ladaadyada’e
Ladh qabiil inaga reeba oo, lahashadii daaya
Waxaa dunidu ay loolantee, samada laacayso
Layl dumay ayaan kaga jiraa, luudayaa keliye
Waxaa uu rag laasimay aqoon, laabta galinaayo
Faysaloow lodkaygii anigu, waan ka liidnahaye
Dadkaygana qabiil baa legdoo, jebiyay laafaaye
Waa waxaa cilmiga laacifshee, luray naftaydiiye
Ladh qabiil inaga reeba oo, lahashadii daaya