Q-10aad shandaranley

Cudbi waxay tidhi: “Gacaliye, geedkii xalay miyaad ka habaabi? maya ayuu yidhi, markaasay tidhi: “Amintuna, waa xilligii hurda dakkharta hore lagu jiro, ee reerka adhyaha ha ka didin sidi xalay anigaa kuu imanayee.”…

Markkaasuu inta qoslay ku yidhi: “Waa inoo sidaase, adna hamuun rag talada ku darso oo soo dhakhso”. Dabadeedna iyadoo isa sii ma jiiraysa , ayaa inta soo jeedsatay, waxay si kaftan ah u tiri: “Balayaxow ha i raagsan, illeen adiga oo qudh ah kuuma maqniye, dadkuna wuu badan yahaye, si ay noqona Allaa garane. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Hal aan wali kuu dhalin ilmaheeda ha tirsan, shabeel aadan wali dilina haragiisa ha baayicin”.

Cudbi way dhaqaaqday, iyaga oo dhoollacaddayn isku sii macasalaamaynaya, oo marba si xiiso iyo kalgacayl leh isku soo fiirinaya, cudbi markay awrtii xaraysay ayay gurigii gashay.

Cudbi habeenkaa adhigii ay reerka u lisi jirtay, si fiican uma aysan lisin ee intay wax yar ka barbarruujiso ayay maqasha ku sii daynaysay, idaha iyo riyahaba, maaayeelay waxay rabtay in ay dhakhso u baxdo, oo ay diyaargarawdo inta fiidka ahba.

Dabadeedna intay barkimo kalkood dharki ku guratay, ayay meel guriga gadaashiisa ah sii dhigatay, markaasay iska dhigtay wax seexday oo ay buulkeedii iska gashay. Hase yeeshee, hurda uma taallee, waxay sugaysaa uun inta dadku hurda-dakharta galayo oo kaliya, dabadeedna marka ay khuuradi dadku isku baxday , ayay inta kabaha suxullada gashatay buulka dhiniciisa ka dustay, ka dibna ay harqadi dharku ugu jiray horay u sii qaadatay, iyada oo dhuutaalaynaysa ayay u tagtay Balayax oo dugsigii ay ku ballameen kadallooba. Ka dibna iyada oo aan juuq la isku odhan ayaa dagdag tallaabada loo boobay, waliba intay tallaabadii isku aamini waayeen, ayaa intay tafaha xayteen gucle orad la is barbar yaacay.

Arrinkoodu wuxuu noqday cawralay cago, geed wayn mooyaane, geed yar lagama leexanayo, ee dushaa laga marayaa, oo habeenkaas oodhan ruclaha lagama nasan, iyaga oo ka baqayay inay raacdo ka daba imato oo la soo gaadho.

Maalintii dambana kadlihi lagama jimicsan, waxayse ugu darnayd, marki ay cudbi hooyadeed, hiirtii waabbari toostay, ee ay gabadhii wayday, ka dibna inta ay afka gacanta saartay ay qaylo ku dhufatay. “Yaw, yaw, yaw, yaw, waar ka kacaay, reerki la dhacye, ka kacaay.” Markaas ayaa lagu soo yaacay, waxaa ayna u sheegtay, in gabadhii cudbi ahayd xalay la kaxaystay. Ka dib waxaa la is waydiiyay, yaa kaxaystay, yaa loo aanaynayaa, waa la garanwaayay cid looga shiki-qabay, balayaxna cidna meesha kama filanaynin. Islaantii cudbi hooyadeed ahayd waxay u tagtay gabadh gashaanti ah, oo ay cudbi saaxiibo ahaayeen, waxayna waydiisay bal inay wax xog ah ka hayso gabadhii, war iyo wacaal toona. Hase-yeeshee gabadhii wax war ah uma soo kordhin, oo gabadhi lafteedu cid ay tuhunto iyo meel ay u malayso way garan wayday, waxayna tidhi: “Nin balayax ka dambeeyay oo ay cudbi sheeko la wadaagtay anigu garanmaayo, balayaxna maanta carradeena gabadh uma soo doonan karo.” …