Caado-dhaqan

 
Hal laba uma baahna, Ilaahay laba uma baahnoo waa kaligii, waa waaxid,
Labo seddex uma baahna, waa dhulka iyo cirka,
Seddex afar uma baahna, Seddexda caanaha macaan, lo’da, geela iyo adhiga, seddexdaa afar uma baahna,
Afar shan uma baahna, Afarta jiho shan uma baahna,
Shan lix uma baahna, shanta diin islaam lix uma baahna,
Lix toddoba uma baahno, lixda iimaanka toddoba uma baahno,
Toddobo siddeed uma baahno, toddobada cadaab siddeed uma baahno,
Siddeed sagaal uma baahno, siddeeda janno sagaal uma baahno,
Sagaal toban uma baahno, sagaalka waalid toban uma baahno, nimay habaareen ama u duceeyeen.