Taariikh hore

waxaa la yidhi, niman baa isku dayay inay sayidka ka hadliyaan, si uu u gabyo ama hadal nuxur leh ugu hadlo. Markaas ayay u yimaadeen isagoo geed iska fadhiya, markaas ayay ku dheheen; “Horta sayidow anagu wareernaye yaa tahay?” Markaas ayuu ugu jawaabay hadalkan qosolka ah, wuxuu yidhi: “Si kale iguma garataane, waxaan ku dhashay war-timiro agteeda”.

Waxaan ka qoray suldaan u dhashay beesha reer cabdille.