Q-11aad shandaranley

Cudbi hooyadeed waxay doontoontay wax raad ah, ka dibna waxay heshay raadkoodii, cabbaar ayay raad gurtay, dabadeed waxay aragtay inay cadceed u dhac afka saareen oo ay dagmadii ka dhax baxeen, markaas ayay yiqiinsatay, in uu ninka gabadha kaxaystay balayax yahay.

Dabadeedna, wixii Ilaahay habaar baray ayay dabada qabatay, “Alle cidhibtaa go’day! xoogga lax ha ku xigan, meel daran laguu kexee! fanto ku dishay! Xiniinyo muldho! iyo erayo kale oo habaar ah ayay dudubisay, waxa ayna gurigii ku soo noqotay, iyada oo dhurmaysa, dabadeedna wiil ay dhashay iyo niman ilma adeeradii ah oo la joogay ayay u sheegtay in inantii balayax la tagay. Ka dibna, shan wiil oo doobab ah oo ay labona walaalo yihiin cudbi, seddexna ilma adeer yihiin, ayaa iyaga oo shan qori laadlaadsanaya raadkii ku dhacay.

Waxa ay dabo jabacsadaanba, oo ay kaymihii iyo kobihii ay xalay sii dhex jibaaxeen, hadba qoor ka raad goobaanba, goor hadh soo korkii ah ayaa raadkii ka gadmaday, waayo waxay ku soo bexeen dhul xaariban ah, oo aan jaanta laga arki karin.

Dabadeedna colkii raacdada ahaa markii raadkii u bixi waayay, may soo noqone jihadii raadku u jeeday ayay afka saareen. Hase yeeshee, waxay colkii raacdada ahaa socdaanba, raadkiina waa u bixi waayay, labadii qofna meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, way waayeen, isla markaana waxay qolada raacdada ah ku soo dhawaadeen soohdintii ay labada beelood ee colaaddu u dhaxaysay iska ugaadhsan jireen. dabadeedna cabsi baa gashay, iyaga oo ka baqe qava in ay is helaan ilaalada beesha kale, halkaa markay arrini marayso, ayay raacdadii iyaga oo fara madhan dib iskaga huleeleen, oo deegaankoodii dib ugu noqdeen.

Iyaga oo harraad iyo gaajo la bas beelay. Beeshii cudbi lagala soo tagay, maalintii oo dhan, sheeko aan cudbi iyo balayax ahayn, lama haynin. Waxaana la iskugu jiibinayay cayda iyo habaarka balayax, iyaga oo dhaleecayn iyo jawaanno cay ah, loo kiilayo. Cudbi hooyadeedna aflagaaddo iyo ceebayn balayax ku waajahan ayay ciil-beel ka dhigatay, oo wixii ku soo dhaca oo cay iyo habaar ah uma hambaynayso balayax.

Hase yeeshee, lammaanihii isla baxsaday, ee cudbi iyo balayax waxay ay carraabe galabnimo ku tageen tuuladii uu balayax awrka kaga soo tagay, dabadeedna ismayn taagine intay awrkii shan candhada ka galiyeen ayay jihadii Hargaysa afka saareen.

Dhawr habeen ayay jidka ku sii jireen, waddawa baabuurta ayay garab qaadayeen, maxaayeelay waxay ka baqayeen, in cid hargaysa ka timid oo baabuurta saaran garato ka dibna ay dhibaatayso. Waxa ay masaafo ku soo jiraanba subax hore ayay ku soo waabbariisteen Hargaysa, ka dibna meel kale uma aysan leexane sayladda ayay dad waydiiyeen, markii loo tilmaamayna way ku leexdeen, waxayna markiiba awrkii u dhiibeen nin dillaalle ah, oo kuwa sayladda ugu af-dheer ka mid ah, markiiba gacanta ayaa la isku dhiibay, cabbaar markii gacanta la is hulaaqsiiyay, oo baayacaaddu weecweecatay, ayaa aakhirkii gacanti la lulay, waxaana awrkii lagu fasaxay qiimo wanaagsan.

Lacagtii awrka markii daabaqaddii iyo dillaalkii laga jaray, ayuu balayax intii kale go’a fiiddiisa ku guntaday, dabadeedna lammaanihii cudbi iyo balayax waxa ay u dhaqaaqeen dhinicii suuqa wayn ee hargaysa.