Curiye: Cabdirisaaq Xuseen Guuleed

Magaca gabayga: GURMAD
Taariikhda: 2014-06-07
Indhawaydba gabaygii ka tagay, goboladiisiiye
Waataan ka gaabsaday tixdaan, goofadhayn jiraye
Galinkaan haleelaan araar, soo galbinayaaye
Bal gudoonta maantoo kalaan, gacamo jeexaaye
Abidkay guyaashaan jiriyo, waxaan dad soo gaadhay
Waxaan gole cuqaal iyo barbaar, garasho faalaynay
Gadhcadaa warkiisiyo wixii, gocasho lay taabtay
Intii aan garaadkay ka helay, amase aan gaaftay
Warka iigu gawdh badan hadaan, gacalayaal sheego
Waa qabiillo loo kala go’iyo, guluf colaadeede
Hadaan maanta goohiyo hadaan, gabayku faaleeyo
Gu’yaal hore ragii qeexay baan, daba galaayaaye
Godka lagu janee Timacadaa, sheegay guradeede
Goodaar wax deeqay qabiil, gacal ku waayaane
Ayagoo goblamay bay rabaan, dhaadashiyo guuxe
Geesloow biciidkaa ka roon, gadahay joogaane
Garaad ma lihid soomaalidaay, gabi ahaantaaye
Gool naaxay baa lagu yaqaan, badhi-garmaameede
Goortaad nimcada gaadhid baad, gununuclaysaane
Gafka dhacaya awgeed cirkii, gudhi ilaahay’e
Gaajada waxaydiinku wacan, garanba maysaane
Gifta iyo gujada hoose waa, gacan itaalkeede
Geesigu halkii uu ku go’, waad u gigantaane
Gaarida ninkeedii dhintee, weer ganbada xoortay
Iyo Gaban agoonimo ku koray, baa is garabyaale
Gaashaanka iyo leebka iyo, gumuca baaruudu
Waa waxa gadaal idin dhigeed, wada gumawdeene
Geeraarka iyo faanka iyo, hadalba geedsaarka
Galad sheegashada joogta iyo, hebel gamaansiinta
Hadba gawska soofaynta iyo, miciyo giirgiirka
Gosha jilicsan daymoodka iyo, gaadmo sharaf siinta
Goobaha dagaalkiyo jabkiyo, qarax gawaanraaca
Galabtii timaadaba dhibaad, garabka saartaane
Galbashada aduunyadi wataa, gaadhay dayaxiiye
Gaalkuba sax way kala taqaan, ba’ iyo guushiiye
Qayrkiini waad gees marteen, gacalayaaloowe
Gobanimo hadaydaan u noqon, gamash itaalkiine
Waxba gabayga yaan sii gundhine, waxaan ku soo gooyay
Guuloow adoomadan tashigu, wuu ka gaasiraye
Garashana dhankeedii dadkani, waa ka gadahaase
Gargaarkaaga uunbaa u maqan, geeshkan oo idile
Rabaw gacal waalaalo ah ka yeel, oo is garab jooga
Oon aan qabyaaladi dhex galin, guudka iyo hoosba
Garaad darane eebaw ka qabo, waa midkii gubaye
Guushana u soo celi raboow, waw gacmo la’aane