Rashiid sheekh cabdullaahi xaaji axmed (gadhwayne)
Rashiid gadhwayne, waa aabbaha soomaaliyeed ee dhalay gabadha uu hadraawi u tirinayo maansada la yidhaahdo (sirta nolasha), ee hal qabsigeedu yahay; “Heedhe Sahray heedhe”.
Rashiid gangwayne, wuxuu sanadkii badhtamihii afartamaadkii qarnigii labaatanaad ku dhashay magaalada Cadaadley oo ku taal bariga hargaysa. Waxbarashadiisa qur’aanka iyo dugsiga hoose wuxuu ku qaatay cadaadley iyo haro-sheekh tii dhaxana wuxuu ku qaatay burco. Sanadkii 1963-dii ayuu deeq waxbarasho u tagay dalka masar halkaas oo ku dhammaystay tacliointii dugsiga sare iyo jaamcaddaba, wuxuuna ku takhakhusay cilmiga bulshada (Sociology) Waxaa kale oo uu si gaar ah u darsay, oo si qoddo dheer u gudagalay, aqoonta, fikir, falsafad iyo faaqidaadda suugaanta. Sanadihii 1967dii illaa 1982dii waxaa uu ka shaqeeyay wasaaradihii waxbarashada iyo barbaarinta, tacliinta sare, xafiiskii siyaasadda iyo xisbigii hanti-wadaagga kacaanka soomaaliyeed, jaamacaddii umadda iyo akaadamiyadii cilmiga iyo hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed.
Rashiid cabdullaahi waa qoraa wax ka qora arrimaha bulshada iyo fikirka; waana suugaan-dhaadhi si qoddo-dheer u faaqida suugaanta soomaalida si gaar ahna bahda maansada. Waxaa uu leeyahay buugaag iyo maqaalo tiro badan oo ku qoran afafka soomaaliga iyo carabiga.