Curiso: Maryama Aadan

Gabay:- (GOBANNIMO) :- 

CURISO:- Maryama Aadan Yuusuf (Xurmo)

AMMINTA:- 6/6/2014
Geel caano laga soo lisiyo, gaawe wada buuxa
Geyi roobku helay iyo dadkoo, nabad ku soo gaadhay
Oo gaabanaw adhigu uu, gees kasta u foofo
Oo gamaanki uu wali arlada, wada garmaameeyo
Oo geesigi iwiilahaa, guur u kabo qaato
Oo gaaridii gabdhahyd, calafki goobayso
Oo geesh-caddii oday ahaa, talada goynaayo
Oo guullaheen nabadgelyiyo, geliyay Waa’fiican
Garaad ruuxa lihi wuu yaqaan, quruxda goobtaase
Maangaabse waa gees-maraa, garanna waayaa.
Goohayga waxaan uga socdaa, geesta aan ahaye
Aduunydan guclaysaan anigu, gegi ka joogaaye
Geeshkii dhaqaaqaba anigu, gaabis baan ahaye
Garanmaayo oo xaajadani, way gun dheertahaye
Umadaydan kala guurtayee, ee is wada goysay
Goblamoow qabiilkaa i baday, oo i gaasiraye
Soomaali gabigeed hadday, gacan-walaalowdo
Gasiinkiyo haday wada cunaan, midhaha geed saaran
Oo ay gufaacada ceshaan, cadaw ku soo guura
Gurmadiyo haday leeyihiin, gacan-togaalaynba
Xeer lagu go’aayiyo hiddiyo, guurti talinayso
Gefka ruuxa keenana hadday, gees ka wada joogsan
Haddii laba garduub loo xidhoo, geedka lagu tiirsho
Maangaabku uu giiga oo, kii gurracan waabto
Maatida haddii loo gurmado, gaajo laga biiyo
Agoomaha haddii lagu gallado, gabi daryeel oo dhan
Aakhiro haddii loo guntado, guulle laga yaabo
Oo qabyaaladdii guurta oo, gacal-walaalowno
Reer hebel haddii laga gudboo, qaran la goobaayo
Ma-goblame dadkaygoow wallee, waa gobnimo taasi