Shantaadaa farood waxay kuu gaystaan, shan fiqi kaama maydho!
Bari hore oo aan dhawayn ayaa niman dhallinyaro ah oo lo’ jir ah tiradooduna ay toddoba ahayd, ayaa mid ka mid ah ayaa geed hoostii seexday, wiilki oo sidii u jiifa, ayaa malaha qof hurda wayn buu ahaaye, maradii ka dhacday, oo cawradiisii baa soo muuqatay, dabadeed, lixdii wiil ee kale ayaa damcay inay ku cayaaraan wiilki oo qaawan.
Lixdi wiil mid ka mid ah ayaa maydhax soo diiray, oo intuu ruugay ayuu meel iska dhigay.
Wiilkii labaad ayaa maydhaxdi la ruugay soo qaaday oo xadhig ka soohay, oo isna meel iska dhigay.
Wiilkii seddexaad ayaa isna inta xadhigi meesha la dhigay suryo ka qoolay, ayuu muushaa iska dhigay.
Wiilkii afraad ayaa suryadi soo qaaday oo wiilki jiifay ayuu qoodhaha u galiyay.
Kii shanaad ayaa xadhigii sac meel halkan ah fadhiya saynta kaga xidhay.
Kii lixaad ayaa sicii ul ku dhuftay oo eryay.
Sici markuu kacayba ninkii hurday ayaa qoodhihii nabar ka gaadhay, sidi buuna ku dhintay. Markuu wiilki dhintay, lixdii wiil ayaa loo qabsaday, guddi baa loo saaray, waa la isku imaaday, guddigii markay garta qaadayeen mid mid ayay wiilashii loo soo istaajiyay oo wax loo waydiiyay.
Kii u horreeyay wuxuu yidhi, “Anigu maydhax baan soo diiray, waan ruugay meel baan iska dhigay, oo wiilka ma taabanin”.
Kii labaadna wuxuu yidhi, “Anigu maydhax la ruugay baan qaaday oo aan xadhig ka sameeyay, waana iska dhigay oo wiilka ma taabanin mana dilin”.
Kii seddexaadna wuxuu yidhi, “Anigu xadhig meel iska yaala umbaan suryo ka sameeyay, ee wiilka ma dilin mana daarin”.
Kii afraad wuxuu yidhi, “Anigu wiilka meesha jiifa ayaan ku ciyaarayay, waxaana qoodhaha u galiyay suryo xadhig ah oo meel taalla”.
Kii shanaad ayaa yidhi, “Anigu xadhig sac iska agyaala umbaan saynta kaga xidhay, oo wiilka maba taabanin”.
Kii lixaad ayaa yidhi, “Tolkayow anigu sacaygi oo meel iska fadhiya ayuumbaan eryaday mana arkaynin in saca iyo wiilku isku xidhan yihiin, wiilkaasna anigu ma dilin”.
Lixdii nin dhammaantood marka uu mid walba yidhi, anigu wiilka ma dilin, sababta wiilkana ay caddahay in ay iyagu kasbadeen, ayay guddigii haddana u sii kala qaadeen ciddii taabatay wiilka jidhkiisa, wuxuuna noqday midkii suryada u galiyay wiilka qoodhihiisa, midkaas ayaana lagu soo oogay in uu dilay ninka, sidi baana magti lagaga qaaday.