Halkaas oo tababar hor leh looga billaabay, waxayna xerada balli-doogle ahayd meel ciidanki la geeyaa lagu siiyo tababar culus oo heer qaran ah, si ay uga mid noqdaan ciidamada aadka looga baqdo ee la yidhaahdo kumaandooska. Ninkii balayax ahaa mar kale ayuu kaw ka soo billaabay tababar dab iyo naar ah, marka loo eego tababarkan balli-doogle, kii ay Hiil-wayne ku soo qaateen wuxuu noqonayaa raaxo. Jirrabkii tababarka wuxuu gaadhay illaa heer ciidanka diyaaradaha baalshuud la’aan lagaga soo daadiyo mararka qaar.
Laba sano iyo badh, oo cir Alle ka dhashay ayaa Balayax waaguna ugu baryayay, gabbalkuna ugu dhacayay xerada gudaheeda, waxayna 24ta saac ee habeen iyo maalinba u ahayd qac iyo baf aan fasax lahayn. Balayax wuxuu tababarka la galay, 120 horin ah, hase ahaatee waxaa carbiskaa ka soo baxay 60 nin kaliya, meesha intii kale ay u qaybsameen, wax jajabay, wax ku dhintay intuu tababarku socday iyo qaar ku dhacay imtaxaankii Kumaandoosnimada ay ugu gudbi lahaayeen oo dib loogu celiyay xeryahoodi.
Balayax lixdanka horintaadi ka soo hadhay oo ahayd intii geed labka ahayd, ayuu lambar kaw ka ahaa, wuxuuna noqday wiil xerada caan ka noqday. Balayax waxa ay xeradii tababarka balli-doogle ku saaxiibeen nin Raage la odhan jiray oo reer Hargaysa ahaa. Raage waxay Hargaysa isku yaqaaneen ninka qabay Balayax walaashii, sababtaas oo ay markii horeba isku barteen.
Balayax intuu tababarka ku jiray waxaa dalka soomaaliya ka dhacay isbaddalo iyo dhacdooyin waawayn oo saamayn ku yeeshay arrimihii siyaasadda, nabad-galiyadii, shucuurtii dadka iyo guud ahaanba jawigii nolaleed. Waxaana dhacdooyinkaas ka mid ahaa inqilaabkii dhicisoobay ee Kornayl Cirro, Saraakiil la laayay, kacdoono dadwayne. Waa daciifay awooddii taliska millitiri ee kacaanki Siyaad barre, waxaana yimid tafaraaruq saameeyay meel kasta.
Markii ay ciidamadii soomaalida ka soo bexeen dhulalkii ay markii hore ka qabsadeen itoobiya, waxaa ciidamadii iyo saraakiishoodiba soo food saartay mooraal jab iyo tabar-darro, taas oo sababtay burburkii qaranimo. Tafaraaruqii ku dhacay ciidamadii soomaaliya, waxa uu sababay, in cutubyo ka mid ah ciidamadii ay isku baddalaan Jabhado ka soo horjeeda soomaaliya Jabhadahaas oo taageero ka helaya cadawgeenii Itoobiya iyo cadaawihii kale ee jiritaankeena necbaa. Jabhadahaas oo ay ka mid ahayd SSDF ee uu hoggaaminayay Cabdullaahi Yuusuf, ka dibna Jabhaddaas iyo Ciidamadii Itoobiya ayaa si foolka fool ah ula dagaalamay dawladdii soomaaliya. Waxaana meesha ka baxday dabayshii gobanimadoonka, waxaa daciifay dareenkii dadka ee midaysnaa, waxaa iyana meesha ka baxday qiiradii iyo maxabbadii loo qabay xornimada.
Subax-subaxyada ka mid ah ayuu nin sagaal ahi u khudbadeeyay askartii balli-doogle ee uu balayax ka midka ahaa, isaga oo ku guubaabiyay inay ka hortagaan wax uu ugu yeedhay qudhmista iyo dabo dhilifka cadawga umadda soomaaliyeed, wakhtigaas oo uu dhagaal ka socday goballada dhexe ee soomaaliyeed oo ay ku dagaalayaan Jabhaddii SSDF iyo ciidamadii soomaaliya. Sidaa awgeed, sargaalkii u khudbadayanayay askartii, wuxuu amar ku bixiyay in guutadii uu balayax ku jiray loo qaado goobta uu dagaalku ka socdo.