1. Xoolo waxaa dhaqa lixdan jir caydh ka baqaya iyo lix jir ul ka baqaya
2. Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato
3. Xoolahaadu ama xerada ha kuugu jireen ama xeer ha kuugu jireen
4. Wixii araggiisu ku deeqa ayaa oontiisuna ku deeqdaa
5. Wax walaal loo diiday wad baa leh
6. Wixi ummusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah
7. Wax la dhalay iyo dhul baa la mutaa
8. Wax aadan heli karin wax aadan u baahnayn baa laga dhigaa
9. Wax aadan hurayn horaa loo yelaa
10 . Wax is waydiin ma xuma ee wax is waydaarsi baa xun