Gabaygan waa Gabaygii 13-aad ee Silsiladda (Dabargoynta Qabyaaladda) Ka Bogasho Wacan :-
GABAY:- (TABANTAABO)

CURIYE:- Daadax Halyay Carafad

AMMINTA:- 6/6/14 , JUMCE .

1. Todoba iyo todoba laysku daray, wadarta oo toosa
2. Tiradaaba wuu garan karaa, ruux tacliin lihiye
3. Iskuulkaba haddii uusan tagin, sow u toban maha ?

4. Ta’-doo godan cukashow markii, laamka lagu taagay
5. Oo beelay lagu sii tidcee, dibinta loo tuujo
6. Sow “Tolbeelay” noqon mayso iyo buun la todhin heedhe?

7. Anigoo tiriigii shitiyo, tooshash iyo laambad
8. Tagsiyadu sunsumayaan cabdow, lamigii togane
9. Culimadu tuftoodii wadaan, iyo taxliishiiba
10. Oo geelu ii tubanyahoo , tiriyo dheeraadyay
11. Tigaad adhigu ii daaqayiyo, meel nimcadu taallo
12. Oo gamaanku ii taaganyahay, aan ku tamashleeyo
13. Ooy timiro ii doonan tahay, yaradna aan tuulay
14. Anoo tima-haldhaalay aroos, laygu taban-taabin

15. Waatay tolla’ayeey dhaheen, Niman is-taag-dhoowray
16. Waakii qabiil lagu tallamay, tacabirkiisiiye
17. Waakii ku kale taahayee, tabay waxaan oollin
18. Waa kii iblayskuna tashee, yidhi ninkii taag leh
19. Timirtaa ha soo goosto oo, haw tashado aayar
20. Toobkihii milaallaa markii, loo tartamay waalli
21. Nin waliba halkay tabar dhigtuu, amar-ku-taagleeyay
22. Aqal samo ku taagnaa markii, tiirar laga siibay
23. In lays toorriyeeyaa xigtiyo, seef la soo tumo’e
24. Taangi iyo rasaas baa xigtiyo, gumac la tuuraaye
25. Leysuma turaynine shafkaa, layska wada toogtay
26. Tusbax-go’ay waxaa iga dhigee, taagta iga qaaday
27. Tanfaraaruqii igu dhaciyo, kala taggaygii dhe
28. Tagoogada waxaa iga jabshee, Turuqyaday gooyay
29. Waxa lay takooree waliba, laygu tumanaayay
30. Waa qabiilka taladiisa iyo, toyasho reer jaane
31. Tahluukada waxaa ii horkacay, waa tol-jecel baase
32. War toosoo qabyaaladda tirtira, oo ka taga reerka
33. Tabaalaha qabiilkana nacoo, toobadda ogaada