Q-14 sheekadii shandaranley

lonely man loosing the way on a foggy day.

Ninkii balayax ahaa ayaa naxdin iyo anfariir qaaday, sidaas awgeed ayuu xididkii raganimada ka siibtay, waxayna talo kaga ururtay in uu sidii awr koran ah, meel iska dhigo qooq iyo kibirkii ku jiray hadda ka hor, wixi intaa ka dambeeyayna uu sidi geeno carbisan ugu hoggaansamo amarrada iyo seedhiga askarta xerada haysata. Balayax habeenkii ugu horreeyay ee uu xeradii Hiil-wayne ku hoyday waxaa u kawsaday tababar lix bilood ah, taas oo uu ku dhammaystay xaalad adag oo jiif iyo joogba loo diiday, waxayna habeen iyo maalinba isaga iyo asxaabtiisu u hayd rahle iyo sarajoog.

Balayax reerkoodii way waayeen, , ka dibna raacdo iyo baadi doon ayay maalmo badan ku mashquuleen, waxayna u dhammaadeen daal iyo diif. Haseyeeshee, raq iyo ruux meel uu jaan iyo cidhib dhigay waa la waayay. Hooyadii iyo hablahoodi wax wiil ah isaga kaliya ayay ka haysteen, sidaa awgeed gabadhihi iyo hooyadiba way samri waayeen, oo sidii ay u ooyayeen, ee ay ilmadu uga socotay ayay camanka ku yeesheen summado ay ku reebtay ilmadi ka da’aysay indhahooda. Gabadh magaalada Hargaysa dagganayd oo ay balayax walaalo ahaayeen, ayaa siday magaalada uga baadigoobaysay gurigeedi ku soo hoyan wayday, waxayna nafteedii iyo maalkeediba ku dhammaadeen raacdintii balayax, hayeeshee dadaalkeedii waxay ugu dambayn ku heshay gabadhii Cudbi ahayd, oo iyadu ugu dambaysay aragtidi balayax, waxaana cudbi laga helay guri kuyaalla Xaafadda Shacabka Hargaysa oo uu lahaa nin Sargaal ah gurigaas oo ay ka ahayd Jaariyad reerka u shaqaysa.

Cudbi markii ay u yimaadeen ehelkii balayax ee ay waydiiyeen, ayay ilmadu ka soo dareertay, oo ay oohin xaggaa oola jeedsatay, waayo marnaba nolal ku tirin mayso oo waxa ay ogayd wixi jidhkiisa ku dhacay, ismana ayn lahayn wuu ka kacayaa nabarradii gaadhay. Cudbi waxay dadkii balayax raadinayay ku tiri; “Balayax baadidiisa nolal ha ku raadinina ee maydkiisa meel la geeyay uun raadiya, waayo askarbaa intay suuqa ku dishay maydkiisi gaadhi kula tagtay, askarta balayax dishayna waa kuwa aniga nabarradaas igu dhuftay.”

Warkaa markii la helay, ayaa geeri lagu tiriyay balayax, agaskiisii ayaa la qalay, waxaana lagu xisaabiyay qoonka aakhira. Balayax carbiskii wuu dhammaystay, wuxuuna ka soo gudbay lix bilood oo car-caraaf iyo kadeed ah.

Balayax iyo colkiisu muddadii ay tababarka ku jireen waxaa socday dagaalkii Itoobiya iyo soomaaliya, haseyeeshee dafcaddi balayax waxaa uu carbisku u xidhmay ayaamihii dawladihii caalamka iyo itoobiya oo iskaashanaya ay soo jabiyeen ciidamadii soomaaliya, oo ay dib uga soo bexeen Itoobiya. Sidaa awgeed, ciidamadii balayax ka mid ahaa, oo markoodii hore qorshuhu ahaa in marka tababarku u dhammaado lagu shubo jiidaha hore ee dagaalka, waxaa markay ay ciidamadi soomaaliya ka soo bexeen itoobiya, loo kala qaybiyay goobihii ciidamadu lahaayeen ee saldhigyada u ahaa iyada oo urur walba meel kale loo baddalay, balse ururkii uu balayax ka tirsanaa waxaa lagu reebay Xeradii Hiil-wayne. Ragga ay balayax isku ururka noqdeen waxa ay u badnaayeen dhallinyaro laga soo kala uruuriyay jeelasha waawayn oo dil, xabsi-daa’in iyo sanado kala duwan oo xadhig ah ku kala xukunaa, kuwaas oo la doonayay in la geeyo goobaha dagaalka ee xaaladdaas la taagnaa. Sidaa awgeed, ururkii balayax si adag ayaa gacanta loogu qabtay, waayo raggaas ayaa laga baqayaa inay baxsadaan, waxaana amar lagu bixiyay inaan wax jimicsi ah loo ogalaan.

Ragga qaarkoodna waxay ahaayeen dib-jirro iyo qaar aan ehel lahayn, waxaana lagu ababiyay oo kaliya in aabbaha kaliya ee ay leeyihiin uu ahaa madaxwayne Siyaad barre oo kaliya. Balayax, wuxuu noqday nin edeb badan, tababarkii la siiyayna si fiican u qaatay oo laylyamay. Sidaa darteed wuxuu noqday askariga xerada ugu akhlaaqda wacan.

Sidoo kale muuqaalka askarinimo iyo hannaanka dirayska, ma jirto cid xerada joogta oo ku haysata. Hal sano markii ay xerada Hiil-wayne ay ku dhammaysteen, balayax ururkisii waa la kala xushay, qayb walbana waxaa loo baddalay meelo loogu talagalay, balse isaga rag uu ku jiro waxaa loo xushay, xeradii tababarrada ee la odhan jiray Balli-doogle.