CURIYE: Ahmed A.Nour

AMMINTA:- 2-6-2014 isniin 11:00 pm
GABAY: DA’YAR

Qalinloow baryahan soo madayn, gabaydaryaankiiye
Dabuubtiisa waataan dhigeen, deellay soo xidhaye
Hayee shee waxbay daarayoo, jiifki maan dayine
Halis uu dadkaygani galaan, kaga dulqaadaaye
Maantaana dabarkii kafuray, daalac ugu laabo .
Qabyaaladani duugawdayeen, abid la daaqayno
Dirkeenani la kala soocayee, samaha loo diiday
Waa dabin shisheeyuhu dhigoon, dubuq nidhaahnaaye
Darxumiyo wixii uuna baday, diif xun iyo gaajo
Dulmigiyo wuxuu sabab u noqon, dhiiga lagu daadsho
Qofkastoo damiir lihi wallee, wuu damqanayaaye
Duqaydii horaan joojinoo, dabarjargaadhsiine
Ama daayim ka xijaabayoo, daahna laga saarye
Da’yarteenan baa laga rabaa, inan dawaynaaye
Qabyaaladi inay darantahoo, laysku wada dooxi
Rasuulkii Ilaah soo diraa, noo daliiliyaye
Duqii ina suldaan baa ku daray, dumiyaweeyaane
Anna maanta waan sii dullayn, oonka digayaaye
Nin qabyaalad doojaan walee, darajo gaadhayne
Damanihi walaalkii xaqiray, diinta ka fogaaye
Anaakaa dun wacan iyo anaa, kaa dadnimo fiican
Hadalkaasi dacar buu dhalaa, daano iyo hooge
Daris iyo waxaa nahay walaal, dana-wadaag guude
Dulqaadiyo waxaa wacan samaha, inaan ku deeqnaaye
Hormoodkii dadkeenaynunahay, degel aan joognaaye
Doc kalena aan eegee bulshooy, ila yar daymooda.
Siyaasigani dalanbaabigee, dibada meeraaya
Ee waagii dilaacaba xumaan, daba-ruclaynaaya
Dabka shidi ogee daris-wadaag, diradiraynaaya
Kaa saa dadkii diloo, dakharna nooyeelay
Dunidiina naga reebayoo, dib-u-dhac nookeenay.
Awrkani rarkii daadiyee, daahir ka ahaynba
Ee duulki soo daajin jiray, dilaya ee laayay
Dad shisheeye soo diranayaan, daacad u ahaani
Kaa saa dadkii diloo, dakharna nooyeelay
Dunidiina naga reebayoo, dib-u-dhac nookeenay.
Xukun kuwan u daalaaya ee, damaca mooryaanle
Ee dano hunguri uun watee, xilalka doonaaya
Cadawguna ku soo daba jiree, shilin dareemaynin
Kaa saa dadkii diloo, dakharna nooyeelay
Dunidiina naga reebayoo, dib-u-dhac nookeenay.
Waxba yuusan gabayguna durkine, waxan ku soo duubay
Dariiqii Ilaahay walaal, dib ugu soo laabta
Dunidani majoogayno ee, daayim kacabsooda
Diiriyo ushiisii noqdoo, dumiyareer-reerka