Cudbi markay aragtay ninkii balayax ahaa oo lagu dagay, ayay qaylo iyo muusanow ku dhufatay, waliba intaa kuma aysan joogine askarti ayay la dirirtay oo gacanteeda ula tagtay. Hase yeeshee askartii intay gabadhii u gacan qaadeen ayay budhadh gaagaaban oo ay siteen sida durbaanka ugu tumeen. Balayax oo aan is dhaqaajin karayn ayaa arkay gabadhi Cudbi ahayd oo rag badani budhaynayaan.
Dabadeed intuu hanqalka la kacay, ayuu is yidhi hinqo balse wuu is loodin waayay, markaasuu intuu wayraxay oo raftay ayuu muusanow iyo jibaad ku dhuftay, oo uu ciil dibinta la qaniinay, balse askartii markay arkeen inuu dhaqdhaqaaqayo mar kale ku gadh-qabatay budhadh iyo laad hor leh, illaa ay ku ogalaysiiyeen sagxada gaadhiga. Lacagtii awrka iyadu goor hore ayay laydha raacday, oo intay dacalka ka furatay kala yaacday. Cudbi iyada oo si xun u dilan oo meeshii lagdan ayay dumar ka qaadeen, Balayaxna iska oo gagabsan oo goobyaal ah, ayuu baabuurkii la dhaqaaqay, la la tagay, balse markii dhaxda la sii wado ayuu soo miyirsaday.
Balayax wuxuu arkay askar hareeraha ka fadhida iyo raggi kale ee iyagana la soo raafay oo dhinacyada ka daadsan, wuxuu haddana isku dayay inuu askarta la dagaalo, balse, mid raggi raafka ahaa ka mid ah ayaa la taliyay oo ku yidhi; “Waar aayar iska jiif, miyaanan waligaa lagu raafin, markan oo kale la isma waalee, naftaada ha haligin, waxan waan askar oo naxariis ma lahaane” Markaas ayuu is dajiyay, dabadeedna Balayax iyo nimankii la soo raafayba waxaa la keenay xerada birjeex ee Hargaysa, halkaas oo ay sii joogeen rag kale oo iyagana la soo raafay, ciidan hubaysan ayaa gaadhka ka qabtay, waxaana dadki la soo qabtay oo dhan lagu wada xereeyay hool wayn oo dusha ka dadan, daaqadna aan lahayn, oo madaw badan, meel iftiintana aan lahayn.
Dabadeedna inta albaabka loo giijiyay ayaa quful wayn lagu jabiyay, waardiye culusna la saaray. Ninkii balayax ahaa oo ay askar guul wadeyaal ihi haraati iyo qori dabadii kala daaleen, oo aysan meela u noolayn, afka iyo sankana dhiig ka da;ayo, ayay raggii kale ee la joogay u muujiyeen xoogaa naxariis ah, iyaga oo uga warramay macnaha raafka iyo sida la iskaga banbaaniyo dhibtiisa. In kasta oo ragga la soo raafay uusan ku jirin nin qudhiya oo ikhtiyaarkiisa ku yimid, oo mid kasta isaga oo danihiisa eryanaya dhagta laga soo qabtay, haddana balayax waxaa u dheerayd jidh-dil loo gaystay isaga iyo gacaladiisiba, sidaa awgeed ayuu cadho iyo ciil dibinta ula qaniinsanyahay, Wuxuuna ku muusanaabayaa “Tolla’ay, Tolla’ay… ma maantaa inan rag i ciilay oo tani dambaysay?” Balayax waxaa kale oo uu ku calaacalay tixdan gabayga ah:-
“Gacal nimaad ahaydeen haddii laga gol roonaado
Oo gacantu inay hiilisaa kuu gar noqon waydo
Illeen waad galgalataa sidii neef la gawracaye.”
Labo habeen oo ay hoolkii ku xaraysnaayeen ninkii balayax ahaa, mar qudha qummaati iskuma taagin oo wuxuu ahaa goob-yaal, in yar oo garaw ah oo raafka loo qaybinayayna isagu afkiisa ma uusan galinin. Maalin seddexaaddii ayaa la billaabay, hawl lagu kala shaandhaynayo raggii raafka ahaa.
Dabadeedna goor aroor hore ah, ayaa albaabka hoolkii ay ku xaraysnaayeen la ballaqay. Nin qiro wayn oo xidhan shaadh iyo sarwaal tuuta ah, koofiyeedna madaxa ku sita, oo bistoolad suunka ugu xidhan ay ka lulato ayaa isaga oo ul yar ruxaya oo tallaabada kolba aayar lug u qaadaya, albaabka ka soo galay, waxaana daba socda laba nin oo ciidan ah iyo nin kale oo shandad wayn lalminaya. Raggii hoolka ku xaraysnaa ayaa lagu amray inay sara-joogsadaan, safsafna u istaagaan, way istaageen, waxaase fadhiga ku sii raagay balayax, ka dibna hadal kulul ayaa lagu yidhi istaag, wuuna istaagay isaga oo tabcaana ah oo istahbiibaya.
Dabadeedna inta buug kadinka loola fadhiistay, ayaa nin walba lagu qoray magiciisa iyo da’diisa, fartana inta irbad lagaga muday qaddar dhiig ah laga tuujiyay, ka dibna intii haysatay warqad dawladeed ayaa gaar loo soocay, intii kalena inta mid walba sakiin loo dhiibay ayaa lagu yidhi “Nin kastawba nin u xiir oo intiinaas yaan la arkin mid dhalada tin ku leh”.
Balayax kama mid noqon ragga waraaqaha dawladda ku badbaaday, ee wuxuu safka hore ka galay ragga loo baahan yahay, isagoo timihiina laga mudhxiyay umbuu is arkay. Markii raggi timihii laga wada mudhxiyay, ayaa loo qaybiyay tuute ciidan, waxaana lagu yidhi: “Nin walawba iska siib dharka aad qabto, oo diriiskan degdeg u xidho”. Dabadeedna markay diriiskii wada xidheen ayuu nin sargaal ah oo garba-cas ah u khudbadeeyay, wuxuuna ku yidhi: “Saacaddaa laga billaabo waxaa tihiin ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, waajibkiina koobaadna waxaa weeye burburinta cadawga soomaaliyeed iyo ilaalinta midhaha kacaanka barakaysan.” Sargaalkii isaga oo salaan bixinaya ayuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyay; “Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Soomaaliyeed, aabbaha umadda, macallinka kacaanka barakaysan Jaalle Maxamed Siyaad Barre, ha noolaado.” Kadibna waxay la daba dheheen “Ha noolaado”.
Markii khudbadii dhammaatay ayaa hoolki dib loogu celiyay intii la xushay. Dabadeedna goor ay mirtii dhexe ee habeenimo tahay ayaa albaabkii la furay, dabdeedna inta waardi dabley ah lagu hareereeyay ayaa gawaadhi qafilan lagu daabbulay, waana la dhaqaajiyay iyaga oo aan garanayn jiho loo wado.
Markii Hargaysa laga dhaqaajiyay, waxay sii socdeen lix cisho, intaas ay sii socdeena waxaa cunta u ahayd galaas galaas kalluun ah oo loogu qaybinayay gaadhiga dushiisa, hase yeeshee balayax cunis uu kalluulka cuno iskaba daaye, markay suudhiisu u urto ayuu hunqaaco kolba la jeedsadan, wuxuuna mataq ku halleeyay gaadhigii, balse mar dambe ayaa loo keenay xabad rooti ah, kaas ayuuna yara dhadhamiyay, waxa uu qalbiga ka leeyahay meesha loo socdo fogaa, wuxuuna moodayaa in itoobiya lagu wado, waayo ma uusan moodayn in dhulka soomaaliyeed intaa in le’eg la dhax socon karo.
Balayax fadhigii badnaa ee baabuurka guradiisa iyo jugihii askartu gaadhsiisay markii la soo raafayay, ayaa iskugu darmaday, waxaana damqaday jidhkii oo dhan. Isla markaana waxaa tabcaan ka dhigay kuudud, mana uu haysto meel uu ku jimicsado, oo ninba nin ayuu dhinaca ku hayaa, oo meel la kala qabsado ayaa la laayahay, waxay socdaanba goor fiid-caweer ah, ayaa afka lagaga shubay xero ciidamada lagu tababaro, oo ku taalla duleedka magaalada Xamar meeshaas oo lagu magacaabo Xerada tababarka Ciidamada ee Hiil-wayne, halkii ayaa inta lagu kala tirsaday lagula kala wareegay, oo saraakiil sii sugaysay baa la wareegtay.
Xerada Hiil-wayne waa xero aad loo ilaaliyo, waxaana aalaaba xeradaa lagu tababari jiray ciidamada raafka ah, iyada oo ay joogaan askar aad u gacan kulul, oo u tababaran in ay gacan bir ah ku qabtaan ciddii u soo gacan gasha, iyaga oo fasax qaran u haysta inay xiddii loo dhiibaa si ad-adag u carbiyaan. Sargaalka xerada haystana waa nin garaaddo qaatay, macangagnimo iyo karbaash uusan u kala turaynin ciidan iyo cid kaleba, Sargaalkaas oo la odhan jiray Gaashaanle Cali Kaajaaye, soo dhawayntiisuna waa Fig haloo xidho, is tuur IWM. Markuu Raggii la wareegay ayuu inta barkad wayn oo biya ah soo kor istaagay wuxuu ku yidhi; “Waryaadha Nin walawba xiniinyaha barkaddan ku rido, meeshan xiniinyo lalama dhax yimaadee”. Hadalkan waxaa lagu amar-jabinayaa ragga cusub, maxaayeelay, marka xeradan lagu keeno laguma odhanayo Alle ka cabso, ee waxaa lagu odhanayaa, Taliyaha xerada iyo saraakiisha wax tababarta ka cabso.
Balayax wuxuu ahaa ragga aadka looga jecelyahay xeradan oo kale, waayo wuxuu ahaa sagaal iyo toban jir (19 jir) caana geel ku koray, oo sida biciid barwaaqo jooga u gamuray, jidhkiisuna si la yaqaan u dhisan yahay, oo aan la mid ahayn dhallinyaradii magaalooyinka laga soo qabqabtay ee shaaha iyo sigaarku dilooday, sidaa awgeed balayax wuxuu ahaa ninka ugu qawisan ciidanka uu ka mid ah ahaa.
Laba nin oo ciidankii balayax ahaa ayaa damcay inay subaxdii ugu horraysay xerada ay baxsadaan, wayna yaaceen intay gidaarka ka dheceen, hase yeeshee ciidankii waardiyaha ahaa ayaa sida cawsha u toogtay oo maydkoodana dib xerada ugu soo dhex tuuray, waxaana la daawadsiiyay raggii kale, si aysan u hawaysan baxsad iyo wax u eg.