Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa lagu casuumay wiil dhalinyar ah xaflad aroos ah, wiilkii arooskii ayuu u soo diyaar garoobay, markii ay gaadhay wakhtigii arooska lagu balamay ayuu wuxuu yimi hoolkii arooska lagu qabanayay. markuu marayo albaabkii laga galayay ayuu wuxuu arkay laba falaadhood,midi
waxay leedahay hadaad tahay qoyska arooska midig u leexo, falaadhana kalana waxaa ku qoran hadaad tahay martida bidix u leexo, isagu ma ahayn qoyska xagii martida ayuu u leexday, haduu wax yar socdayba hadana wuxuu arkay laba falaadhood oo kale, mid waxaa ku qoran hadaad tahay dadka arooska hadyada u sida
midig u leexo, falaadhana kalana waxaa ku qoran hadaanad waxba sidin bidix u leexo. Ninkii odayga ahaa halkaa markuu marayo ayuu dhinicii dadka hadyada aan sidin hadana u kacay, mise markuu cabaar socday wuxuu arkayba isagoo dibada ka taagan hoolkii lagu qabanayay xaflada, markaas ayuu wuxuu ogaaday in si reer magaalnimo ah loogu sheegayay hadii aanu hadyad sidin inaanu xaadirin arooska. waa sheeko layaableh.
sheeko la yaab leh
