…Waxay u dhaqaaqeen dhinaca suuqa wayn ee Hargaysa.
Haye yeeshee, labadoodaba midna waxba kama yaqaan magaalo iyo shuqulkeedaba, waxayse sheeko ku haystaan inay magaaladu leedahay tuug badan oo reer miyiga lagacta jeebkooda ku jirta u soo shaqa taga. Dabadeedna ninkii shaadh cad ee ka hor imaadaba, waxay is yidhaahdaan, waakan tuuggii la sheegayay, oo balayax faraqii go’a ee ay lacagtu ku guntanayd ayuu inta dhuunta galiyo gacmihiisa mid ka mid ah ku qabsanayaa. Xaalkiisu waa keeb la yuurur, oo haddiiba uu qof is yidhaahdo salaan, kama nabad galeen oo nabar baa kaga dhici lahaa.
Waxa ay hiyiga ku hayaan macdaar suuqa ku yaalla, oo uu leeyahay nin ay balayax isku hayb ahaayeen, inta ay soconayaan waxa ay ka balla-daymoonayaan daaraha hareeraha ka xiga oo ka fajiciyay, illayn hore uma aysan arag, sidoo kale wax kasta oo ay arkaan waa ku cusbaa, wax kastana waa u udgoon, xitaa dadka ayaa cadar cadar u uraya.
Waxaa ay la yaabban yihiin oo fajac iyo lama arag ku noqday baabuurta yar yar iyo basaska, waxaa kale oo ay la yaaban yihiin, guryaha isa saarsaaran ee dabaqyada ah, waxayna is waydiinayaan dadka ka muuqda dabaqyadaas sida ay u fuuleen. Marka ay waddada marayaan waxay u dhawaanayeen dhanka dumarka, maxaayeelay ragga oo dhani tuugo ahaan ayay uga shikisan yihiin, laakiin ma aysan maqal wali haween tuugo ah, oo wax xada ee rag umbay maqli jireen. Balayax ayaa islaan waayeel ah oo waddada maraysa ku yidhi: “Eeddo suuqu halkee buu ku qumman yahay?” Markaasay ku tiri: “ma suuqa Oktoobbar baad jeeddaa msie suuqa wayn?”
Balayax inta kala garan waayay suuqyada ay islaantu sheegayso, ayuu ku yidhi: “Suuqyadu ma dhawr baa, miyaanu mid qudha ahayn?, annagu waxaan rabnaa suuqa uu macdaarka (dukaanka) ku haysto ninka la yidhaahdo ina dhudhun adhi”. Islaanti ayaa tiri: “Waar anagu ina dhudhun adhina ma naqaanee, halkee baad doonaysaan?”
Balayax oo yaabban ayaa haddana islaantii su’aal kale waydiiyay, oo ku yidhi: “Ma taqaanaa reeraha wada yaal ee reer dubbad oogle iyo reer warfaa xandule meel ay ka daggan yihiin magaalada?” Islaantii intay qosol la carari gaadhay, ayay ku tidhi: “Waar heedhe, anigu waxan aad i waydiinayso garan maayee, reer-reer laynine, reeruhu waa qabyaalad, qabyaaladuna waa tii la aasaye yaan askartu maqlin oon lagu xidhine, halkaa hore ayuu suuq wayn ku yaalaaye, bal orad oo raggaas waydii.”
Waxayna islaantu farta ugu fiiqday dhawr nin oo waddada dhinaca kale ka marayay, balse balayax illayn ragguba waa kuwa uu ka carari ee iska eegayee, inta is giijiyay oo margiga adkeeyay ayuu yidhi: “Caku magaalo rag yaraysaye, islaamahooduna waa ciyaal ciyaal, oo wax kasta cayaar iyo qosol bay ka dayayaan, bal iminka daya islaantaasi sida ay noo khaladday, annaga ayay tuug iyo dhuqdhuqle magaalo noo tilmaamaysaa, oo na leedahay wax waydii, illaa sayladdii baan hankool kaga hor joognay guntintaa go’a yaga ku xidhan, markaasay na leedahay cagahaada ku doono”.
Dabadeedna horay ayay iskaga socdeen, iayaga oo gaar-daymoonaya,, markii ay cabbaar socdeen, ee ka yara durkeen islaantii iyo nimankii ay u timaamaysay, ayaa cudbi oo iyadana dhagaha didmo la taagaysa waxaa la hadlay balayax, wuxuuna ku yidhi: “Naa cudbi ma arkaysay habar baasti marbay saymo na galin gaadhay, waa qofta noo tilmaantay shaadh-cadde magaalo, habar dambe oo wax la waydiiyaana halkaa haygaga hadho.”
Cudbi oo daawashada magaalada iyo baalla-daymoodkeedaba ka badinla’ ayaa iyadana tidhi: “Dadka macdaarrada haysta iyagaa is yaqaane, kuwaa wax waydii, oo qof dambe oo meel iska maraya ha inagula hadlin.” Balayax waa runtaa inta ugu jawaabay ayay socodkoodii iska sii wateen, ka dibna waxa ay soo gaadheen suuqii waynaa, oo uu dadku sida daadka u marayo, oo sidaa la isku dhaafayo, waxayna ka yaabeen inay kala lumaan, iyaga oo la tacajabsan dadkan xad-dhaafka ah, ka dibna si aysan u kala lumin, gacmaha ayay is qabsadeen, mararka qaarkood waxay isku soo beegmaan dariiq cidhiidhi ah oo ay dad is jiidhayaan, laakiin iyagu ma ogala in cidi u soo dhawaato, dabadeedna siday dadka uga fogaanayeen oo ay marba meel koone ah u eeganayeen, ninkii balayax ahaana usha ula goojinayay, ayay xaaladdoodu noqotay waraabe shir yimid.
Balayax waxaa ku jirta qabkii iyo kibirkii geeljirnimo, oo dadka magaalada jooga gabigoodaba wuu ka xarragoonayaa, wuxuuna hoosta ka leeyahay: “Dadkan caydh baa isku soo uruurisay, haddii ay xoolo leeyihiin ma sidan ayay iskugu meehanaabi lahaayeen. Magaalooy col ku dag, maxay tuug iyo basar-xumo haysaa.” Waxay socdaanba iyaga oo ay indhuhu sare tageen, oo waayay cid ay miyir qab ku suureeyaan oo ay wax waydiiyaan, ayaa waxay soo gaadheen waddada gaadiidka badan ee badhtamaha harhaysa, agagaarka sakadda qaydarka. Dabadeedna intay meel qalo yar oo kooanaha ah istaageen ayay sida filimada loo daawado oo kale u daawadeen baabuurta waddooyinka qaarba dhinac u socda.
Ma aha markii ugu horraysay ee ay gaadhi arkaan laakiin, horay uma aysan arag baabuurtan noocyada ah ee is daba maraya. Iyaga oo halkii taagan oo wax kasta ku cusub yahay, aadna u xiisaynaya daawashada gawaadhidan, ayaa waxay arkeen dad badan oo ay askar soo caydhsanayso iyo dumar qaylyaya, askartu ninki ay soo gaadhaanba waxay ku riyadeen gaadhi wayn oo madaw.
Balayax iyo cudbi, waxay maqleen “Waar carara, waar carara” iyo askarti oo leh, “waar istaaga, waar istaaga, waar istaaga, ha is diline istaaga” iyo erayo kale. hase yeeshee ma aysan cararin ee way iska daawanayeen sida ay wax u socdaan, arrintuna wax kale ma ahayne, waxa magaalada, ka socday raaf ba’an oo waxaa ragga loo raafayay, xagga dagaalladii soomaalida iyo u dhexeeyay xabashida oo markaa socday. Balayax iyo cudbi way la yaabban yihiin raggan waawayn ee is baacsanaya, waxayna moodeen shuqul magaaladu iska taqaan. Balayaxna wuxuu kolba cudbi ku leeyahay: “Caku magaalo, dadkeedu waa ciyaal ciyaal, bal eeg dadkan waawayn ee yaacyaacaya iyo kuwan dharka cawlan ee eryanaya. Alla idin dayri, tolow ma camal kale ayay waayeen, Alla yaa nimankan geel eridhaban ah raaciya”. Cudbi oo iyana ku qoslaysa raggan is caydhsanaya: “Waar malaha waxani ciyaar maahee way is dagaalayaan cajab!” iyaga oo halkii taagan oo qosol la il-daran, moodayana waxa dhacaya iska shuqul magaalo, ayaa la isla soo gaadhay meeshii ay taagnaayeen.
Balayax oo aan dareenba galin, oo iska daawanaya, ayaa afar askari oo xooggan dhab siiyeen, ka dibna wuu ka dagaalamay, isaga oo moodaya reer magaal daandaansanaya, wuxuuna is yidhi, ragga iska celi laakiin inta la isku jabiyay ayaa markuu is dhufdhuftayna haraati iyo qori dabadii lagala daalay, dabadeedna waxay dusha kaga tuureen gaadhi Eljii ah oo dadka lagu raafayay…