CURIYE: Yaxye Bookh
Ma’da gabay baryahan maxamadow, waanigaan mudine
Maanka iyo laabtaan ka nacay, muhashadiisiiye
Balaan mariyo maatana midday, murugo iigaysay.
Anaa mudan anaa kaa mugwayn, midho ku faankaaga
Anaa muruqna kaa badan intaad, muran ku doodayso
Anigaa wax maamuli kariyo, meel dhow ka hadlayso
Maangaabka nacaska ah intaad, umad u maagayso
Magan baanu layniyo intaad, madhax ku taahayso
Danbi mawle kuu qoray intaad, magac ku doonayso
Layskama mirqaame intaad, muxammed caayayso (scw)
Maytiyo nin waa hore la dilay, cay u marinayso
Waa waxa rageenii madhsaday, magaca waynaaye
Waa waxa malyuun farac ka dhigay, maalintii cadawe
Waa waxa madawgaana dhigay, mudanti soomaali
Waa waxa masiibooyinkaa, madaxa noo saaray
Waa waxa magaalooyinkeen, roob ka maanacaye
Waa waxa madluun naga dhigee, dibad na meermeershay
Waa waxa muraadsade na baday, madaxa soo duubta
Maalma weeye duniduye hadaan, mawle laga yaabin
Nabadana la wada maalin oo, samuhu maashaynin
Midigtiyo wadnaha laysku qaban, muxubbo aan guurin
Xumahana la maarayninoo, layska wada maydhin
Ruuxii gaf maamula la qaban, aan la marin xaal san
Maqashiyo la wada raacan geel, maalka gabigiiba
Qayrkeen halkuu maray wallee, maadhe lama gaadho
Mushkilado wallee lagama baxo, qolo is maageede
Magta iyo dhibaatada wallee, lama maqaar saaro
Danbigaad maxaaftana wallee, malag ma dhaafayo
Xantu waa masiibee rag yahow, mawle ka cabsooda
Macna male qabyaaladi ragyahow, Loo Mushxaradaaye
Ka masuugoo ceebtoo ka hadha, Reer la magacaabo .