GABAY:- “QOONTA NAGU TAAL”

CURIYE:- Maxamed Faarax Cawil
AMMINTA:- 07/06/14
Qiimo malaha maansadu hadaan, lays qadarinayne
Qumaataan u tiriyaa cabdoow, qaabka gabayeede
Qurux baan u mariyaa markuu, qiimo leeyahaye
Qalad hayga filanina rag baan, qaabadayn karine.
Hayeeshee baryahan waan ka qaday, qirashadiisiiye
Dhaaxaan hadduu hadal wax qaban, qorayay suugaane
Qaxar laguma waaree mar baa, laga qaboobaaye
Qabyaaladi inay qudhun dhashana, Waydiinkaa qiriye
Qaxar iyo dhibaatiyo waxay, qalato mooyaane
Wax-tarkeeda laga quusayoo, waa qalfoof madhan.
Qarax iyo rasaas bay dhashaa, qiiqda waligeede
Qoryo laysu qaadiyo dagaal, lagu qasaaroobo
Qaraabiyo waxay kala dishaa, qoysaska is jecele
Ilko kuu qoslaayoo misana, qoomka kuu necebe
Qaatumo la’aan bay dhashaa, qaran lawaayaaye
Qabka iyo xumaantay dhashaa, quudhsi iyo faane
Qolo-qolo in loo kala bixiyo , qayba fara weyne
Is qaad qaad mafiicne rag yahow, qariya boogtiina .
Qoyskaad ahaataba rabbaa, qaabaddaas dhigaye
Wax ka qabasha malahoo adigu, maba qorshayn taase
Qayladhaan qabyaaladdi waddana, maaha qiil jira’e
Qabri inaad ku duugtay lahayd, ood ba qarisaaye
Dadkood uga qisootay lahayd, qaabadday tahaye
Qabqabliyo qabyaaladina waa, qoom walaalo ahe
Inaad kaa qisaastay lahayd, aad na qabataane
Qalbigiinay wada yuururtaa, waanad qiranayne.
Quduusoow Allahayoow naflaha, qabow adaa siine
Quwadana adaa yeeshayoo, qaadir baad tahaye
Qaboonadii la joogaba salaad, waan u qumayaaye
Mu-qalibul-quluub baad tahoo, qaalib waa adiye
Soomaali qoontiyo ka saar, qaaca iyo hoogga.
Qurubada shantoodana midee, qaadir baa tahaye .