Q-15aad shandaranley

Iraadada Ilaahay, nimankii jabhadda ayaa markay raashinkii intii kale gurteen ee ay u hadhay rastadii u dambaysay ee balayax hoosta kaga jiray oo aan toban gadbadood ka badnayn ayay maqleen guux iyo siigo gaadhiyaal oo ku soo dhaw, ka dibna intay qaylqaylyeen oo dhagaha taageen ayay yidhaahdeen, “Waar ina keena gurmad cadaw ayaa inagu soo dhawe”. Dabadeedna intay gaadhigoodi kaxaysteen ayay dhaqaaqeen oo ay kayntoodii dib y galeen.

Ninkii balayax ahaa, ayaa qoorta la soo yara baxay oo hareeraha eegeegay, balse saaxiibadisii oo wada mayd ah, mooyaane cid kale ayuu arki waayay. Dabadeedna intuu gadbadihii dhinac iskaga lagday, oo qorigiisi la soo baxay ayuu orad cagaha wax ka dayay. Balayax wuxuu u cararay dhinacay jabhaddu u dhaqaaqday mooyeen dhinicii kale, gaadhiyaashi soo xiimayay xitaa ma uun sugine orad dhan kale ayuu u cararay.

Balayax, nasiib-wanaag, qaraxii miinadu wax dhaawac ah ma soo gaadhsiin ee wuu bad qabaa. Balayax, markii uu illaa meel fog cararayay, oo uu wax daba socda ama heer ordaya waayay, waxaa soo gashay, xoogaa nayaayiro ah, oo u baddashay naxdintii iyo quustii nolaleed ee uu ku sugnaa daqiiqado ka hor. Balayax markuu isku hubsaday inuu meel cidlo ah u baxay waxaa gashay yididiilo nolaleed, maxaayeelay waxay u ahayd fursaddii ugu horraysay ee uu ku baxsado muddo afar sano ku dhaw, oo uu ku jiray xaalad aan fasax lahayn.

Sidaa awgeed, maalintaas oo dhan wuxuu ku jiray orad fadal dheere ah, oo uusan mar ka jilcin, isaga oo sidii cawl xabbadi dul martay dhabaabaco dhagaha nabaya. Markuu gabbalku dhacay, ayuu oradkii ka xiiq tirtay, oo uu ku baddalay socod gucle ah, ka dibna wuxuu jeedaba goor saq-dhexe ah ayuu meel cidlo ah cabbaar seexday, in yar ka dibna wuu ka booday. Afar caana-maal siduu ruclahaas ku jiray, ee uu uga cararayay meeshay shanqadh ka yeedhaba, ayuu maalintii dambe ku soo baxay waddo baabuurtu marto, waxaana wakhtigaa wadada marayay nin oday ah, oo reer miyi ah. Dabadeed balayax wuxuu go’aansaday inuu is calool adkeeyo, oo ninkaa waraysto, isna tuso oo uusan iska qarin. Balayax wuxuu sitaa heeryadii kumaandooska, dirayki, koofiyeed bir ah, qori iyo booshki. Waxaa kale oo intaa u dheer diif iyo dhibaato dushiisa ka muuqata. Sidaa awgeed, qofkii uu cidla kaga soo baxaa waxaa galaysa cabsi.

Balayax odaygii markii uu wax yar u soo jiray ayuu ku yidhi: “War istaag” ka dibna odaygi baa istaagay, waana oday wayn oo tusbax uu ku wardiyayo gacanta midig ku sita. Ka dibna bayax wuxuu yidhi: “Asalaamu calaykum” Odaygii baa ugu jawaabay: “Wa calaykum asalaam”. Balayax, wuxuu yidhi: “Adeer waxaan ku waydiiyay, waddadani xaggee bay tagtaa?, Adeer waxaa kale oon ku waydiiyay, Hargaysa xaggeebay inaga jirtaa?”

Odaygii baa yaabay oo gartay inuu yahay askari fakad ah, wuxuuna ugu jawaabay: “Waar maandhe Hargaysa, dhulkan kama dhawee, xaggee baad adigu ka timid?” Odaygu wuxuu ka mid ahaa reeraha ku dhaqan deegaamada ay jabhaddu ka soo jeeddo ee ay colka yihiin ciimada Siyad Barre. Dabadeedna cabbaar baa la is waraystay, oo balayax wuxuu odayga uga warramay sidii uu dhulkiisi kaga yimid iyo dhibaatooyinka uu soo maray, odaygiina wuxuu balayax u sheegay, sida uu Hargaysa ku tagi karo iyo halka uu u marayo, intaa ka dibna odaygii intuu balayax kexeeyay ayuu reerkiisi geeyay oo cunto ka siiyay.

Dabadeedna odaygii markuu Balayax gaajadii ka reebay ayuu dirayskii askarta ka baddalay oo maryo caadi ah siiyay, ka bihiina wuu ka baddalay oo kaba caadi ah ayuu siiyay, intaa markuu u qabtay, ayuu qorigiina ka iibsaday, oo uu ka siiyay saddex boqol oo shilin soomaali ah. Dabadeedn, intuu kaxeeyay ayuu meel waddo ah baabuur ka saaray wuxuuna darawalka baabuurka ku yidhi: “Ninkaa waxaad dhigtaa koontaroolka Buurtinle sokadiisa”, sidoo kale odayga wuxuu balayax kula dardaarmay inuu baabuur kasta marka uu koontaroolka u dhaw yahay, inuu ka dagto oo uu u lugeeyo magaalada intuu dhinac kale ka wareego, illaa inta uu Hargaysa ka gaadhayo si aanay askartu u qabanin. Balayax taladi buu qaatay, oo ku dhaqmay, maxaayeelay in kasta oo uu dhar shicib xidhnaa, oo aanay ka muuqan wax calaamad askari ah haddana marka aad wajigiisa eegto waad garanaysaa inuu askari soo baxsaday yahay, wakhtigaasna askarta baxsadka ah aad baa loo baadhi jiray, haddii la qabtana ciqaabtiisa dil baa ugu yaraa. Balayax wuxuu u dhashay nin cas, hase yeeshee, duruuftii uu maray ayaa midab doorsoon ku ridday, oo wuxuu noqday dhuxul madaw, labada indhoodna waxay noqdeen kabbadhiig ah, wajigiisana farxad iyo dareen caadi ah lagama akhrisanayo, maxaayeelay wuxuu soo maray xaalad uu ku farxad guuray, garbaha iyo luqunta ayaa tigraarmay, tillaabadiisuna gaardis waxba kama duwana, labada suxul ee gacmaha iyo labada ruug waxaa ka fuushay qolof adag oo ay keentay guurguurashadii tababarka.

Wuxuu u muuqdaa nin duni cusub ku soo biiray, oo is fahanka dadka iyo dhaqanka nolashu waa ku qarbaqarbe. Wax badan buu illaabay waxaanse marna ka bixin Cudbi, wuxuuna qalbiga ka leeyahay “Cawo iyo ayaan badanaa, qof mar qudha indhihiisu qabtaan Cudbi.”