Taariikh nolaleedkii dadkii loo yaqaanay Hargaanti-buureedka

 

Waxay ahaayeen dad la qiyaasay inay soo jireen ahaayeen, balse hal mar la waayay intii ay dhalatay dawladdii siyaad barre. Waxay ahaayeen rag qadhaabsato ah, oo aan reebi jirin wax kasta oo ay arkaan Libaaxa, shabeelka, maroodiga, gariga, dameer-farawga, goodirka iyo wixi la mid ah. Waxay dagi jireen meelaha aadka uga fog magaalooyinka, isla markaana ay ku badan yihiin ugaadha, maadha midhaha iyo qadhaabka kale ee dhirta. Waxay ahaayeen dad ka koobnaa rag oo kaliya, waxayna wadan jireen qalab iskugu jira, fallaadho, qaansooyin, qoryo hub ah, toorriyo, weelal IWM. Gaadiid ahaan waxay adeegsan jireen, awrta iyo dameeraha.

Waa nimanka soo saaray sharciyada ciqaabta ee loo yaqaano “Yakaha”, Yakuhu waa qaab loo ciqaabo qofkii ku xadgudba ama ku dhaqmi waaya xeerka meesha ka jira. Waa ciqaab iskugu jirta ganaax iyo ciqaab shaqsiga khaldamay la wada marsiinayo.

Waxaa kale oo ay lahaayeen xeerar ad adag oo aan ina soo gaadhin, badhkoodna ay illaa iyo hadda carruurtu ku ciyaaraan sida; “Xabaal-mooleyda” oo ay iyagu isku ciqaabi jireen balse qarniyadan dambe ay carruurtu ciyaar ahaan u adeegsadaan. Laakiinse waxaa dabar-go’ay xeerar aad u adkaa oo ay ka mid ahaayeen qofka xeerkooda ku khaldama oo la qaawin jiray, bannaankana lagu xidhi jiray, waa rag kaliya xeerarkan la marinayo maxaayeelay dumarku lama aysan shaqaysan jirin Hargaantida. Waxaa kale oo wali sii jira dadkana lagu ciqaabaa qofka oo geed qudhaanjo badan lagu xidho ka dibna qudhaanjada lagu cadhiyo, xeerkaas oo nimankaasi laga soo gaadhay.

Waa nimanka isku dhaarin jiray “Ballan qabaw bawdyaha ka jab” Taas oo illaa iyo hadda la isku dhaariyo, badanaana qofkii ballan muhiim ah ka baxaa, inta badan la arko inuu laf-dheerta bawdada ama meel u dhiganta ka jabo, waana sababta ay wali dadka reer miyiga ah ugu maahmaahaan; “Bawda jabtay ballan bay ogtahay”.

Waa nimanki ku shaqaysan jiray waxyaabaha cilmi-falagga loo yaqaano sida: Faalka, Saadaasha, xiddigiska IWM.

Waa sababta ay soomaalidii hore ugu maahmaahi jirtay; “Nin Hargaanti buureed arkay dambaab”.

Waxay ahaayeen niman Ciidan ahaan u kala qaybsanaan jiray, afar nooc,maalin kastana hawlgali jiray.

Halgan—Waa ciidanka toogta waxay ka soo horbaxaanba, Libaaxa, maroodiga, gariga, goodirka IWM.
Mariidley—Waa ciidanka fallaadhaha sifeeya ama xabbadaha la riday soo uruuriya ka dibna dib macmal uga sameeya.
Saadley— Waa ciidan magaalooyinka ama reeraha loo dirsan jiray si ay sahayda u soo qaadaan.
Tumaal—Waa ciidan fadhiyi jiray oo samayn jiray biraha wax lagu qasho, sida Toorrida, middida, gudinta IWM.

Xigasho- odayaal dhaqameedka miyiga waamo- uruurintii maxamed sheekh shaafici (Af-guul)