Ramad dhalay, dhulkoo rays dul yaal, roobku mulacyeeyay.
Rukni bayba ii tahay nimcada, raasim lagu maalo
Rabbo caanaheedaan u mohon, raadin waligay’e
Allahayoow rafiiqayga noqo, raasiq baa tahaye .
Hayeeshee mid ina reebi baa, loo raxlayn waliye
Rucla-orod waxaa sababi kara, waa rafaad jira’e
Aduunyada ninkii raaxo biday, waw ragaad abide
Nabaddana haddii raadku lumo, iyo rugteediiba
Rajadiyo naruuradu markaa, riiqme oo taga’e
Raydab looma doonteen, haddii udub la raacdayne
Reeraha wax baa hoolayoo, riixay gacalkiiye
Rixligay qabyaaladi lahayd, rarey lasii saar .
Ragii hodon ku noolaani jiray, rodol ma miisaane
Gu’ ramaaska soo saari jiray, malaha reexaane
Raran iyo kulayl baa badalay, dagalki reeraaye
Nahyigii la reebaanay fulin, mana rukuucaane
Waxa loo raxleeyaa qabiil, raasukhoo dumaye
Rabbigiin u laabtoo dadyahow, kalana roonaada
Haddii uu rabbaas dhaco dagaal, riiqa bani’aadam
Haddii la is riddeeyoo markaas, la is rasaaaseeyo
Rubad-goyn haddii ay dhacdoo , laysna rigaaxaayo
Runtii laba walaalaha ah ma jiro, dirir ku raagaaye
Rabbigiin u laabtoo dadyahow, kalana roonaada .
Gurigii raxmadi taalle ee , lagu riyaaqaayo
Rujis iyo haddii loola tago, rayfal iyo gaadhi.
Haddii kuman ku riiqmaan marqudha, ruuxda laga qaado.
Girinoofka Reenkii haddii, la isku riigayni.
Ra’yigaa qalooc badan haddii, raxani yeelayso.
Hadii raamsigaa loo jibboon, rabash la joogteeyo.
In ragaadin ay iman kartoo, raaf-dilaac Jirayo.
Waa xaqiiqo raadkeedu yaal oo run noqon doonta.
Rogmashada qabiil baa dhigoo, ridayay baaruude.
Ruug cadaadigaa jooga duni, iyo rabiibkiisa.
Inta ay qabyaaladi rudhee, kuruska ay riiqday
Raq Sidii libaax uu halligay, kana dul reemaayo.
Oo dhurwaagi soo raacda gurey, daba raqlaynaayo
Oo hayga wada ruugin yidhi, sugayo reebniinka.
Qabiil baa nakala riixayoon, uba rukuucnaa.
Rabbigeena baa yidhi qabiil, malaha raandhiise.
Rasuulkii Ilaah soo dirsaday, waa’ baryaba roorye
Raasaskii asxaabtii markuu, run u walaaleeyay
Ayagoo dhibtii raystayoo, ay raxmadi gaadhay
Waa kii rajiimkii ibliis, reera kicin gaaray
Waatay rucladu badatayee, seefo lala rooray
Raajicin markuu nabigu galay, oo mushkilad reeba
Ri’ bakhtiya ayuu kuba matalay, oo raq lagu sheegye
Rug na male qabyaaladi dadyahow, diinna lagu reeb
Raqiis iyo ninkii liita ee, reer heblada sheegan
Ee aniga uun baa rasmiya, run u malaynaaya
Ee rufuc bariisana martida, raashin ugu deeqin
Ee rahanka soo baxa isagu, kor ugu reemaaya.
Rajo xumi inay tahay ayaan, Kuu rakibay taasna.
Raadgooye weeyaan qabiil, raaray samihiiye
Rajmi bay qabyaaladi lahayd, raafa jabin weyne
Raad-gadasho jaahila markaad, ugu riyaaqayso
Rakuubkeed markay kaa dhigtee, daba rabbaasayso
Tusbixiyo sidii raatubtii, kula rafiiqayso
Adigoon riyaal iyo ka hayn, rodol daqiiqeedna
Waad rarantay uun xaajiyoow, una raxlaysaaye
Maxaa raawistaa kugu dul xiray, waa rijaal li’iye ?!