Balayax harraadka iyo hamuunka uu dadkooda u qabaa waa qiyaas la’aan, dhuumaalaysi iyo is banbaanin aan caadi ahayn oo xad dhaaf ah ayuu ku soo dhaafay jid dheer, askartii uu ka baqayayna Alle ma tusin. Balayax wuxuu socdaba goor fiid ah ayuu soo galay Hargaysa, wuxuuna markii ugu horraysay galay hudheel cunto. Markuu gursigii salka saaray, ayaa kaabalyeerigii soo dul joogsaday oo waydiiyay, waxa uu doonayo, ka dibna balayax wuxuu shaqaalihi waydiiyay qiimaha raashinka. Kaabalyeerigii baa u kala sheegsheegay qiimaha cuntada, ka dibna balayax isaga oo jeebkiisa ku xisaabtamaya ayuu yidhi; “Hilib ii keen” waxaana haysay balah gaaja ah oo ku raagtay, maxaayeelay illaa iyo maalintii la raafay ma helin oon xoolaad oo hagaagsan, muddadii uu baxsiga ahaa ee uu jidka ku soo jirayna dhadhamo mooyaane, mar qudha cunta uu ka gaajo baxo uma uusan fadhiisan.
Sidaa awgeed, saddex wasladood oo hilib ah ayuu lafahoodii miiskii hudheelka kaga tagay, markuu gaajo beelay ayuu kacay oo lacagtii iska bixiyay. Dabadeedna markuu lacagti dhiibay ayuu ninkii hudheelka haystay si asluub ah u waydiiyay, in uu u tilmaamo cid haybtooda ah, oo meelahan daggan, (isaga oo u sheegay haybtiisa), ka dibna nasiib-wanaag, ninkii hudheelka haystay ayaa farta ugu fiiqay dukaan ka soo horjeeda oo ku yidhi; “Dukaankaa ahaa ah haybta aad sheegatay ee u tag.” Wuxuu soo galay dukaankii, qoladii dukaanka lahayd, balayax dhakhso uma garan, laakiin, markay warsadeen ee uu ina aayihiisa u sheegay ayay garteen, ka dibna inta wehel la raaciyay ayaa loo sii qaaday gurigi walaashii.
Goor caways ah ayay balayax iyo wiil lagu soo daray isa soo hortaageen oo gargaraaceen albaabka gurigii Ruqiya gabadhi balayax walaashii ahayd. Afar sano oo wax yar dhiman ayaa laga joogaa markii Balayax samir iyo iimaan laga qaatay, ee axankiisa iyo agaskiisa la cunay, looguna faataxeeyay in uu Alle jannadii ka waraabiyo, wuxuuna reerkooda iyo ehelkooda kaleba ugu tirsan yahay maytida aakhiro. Ruqiya waxay ahayd gabadhii ugu baadin goobka badnayd, waxaana raadintiisa ka soo gaadhay dhib badan oo naf iyo maalba leh, marna xisaabta uguma jirto Ruqiya waxaad dib dambe u arkaysaa walaalkaa Balayax.
Balayax iyo wiilkii la socday, waxaa albaabka ka furftay gabadh yar oo Ruqiya dhashay, waxayna tiri: “Waa ayo?” Ka dibna wiilki yaraa ayaa yidhi: “Gurigan ma gurigii Ruqiya?” “Haa” bay ugu jawaabtay. Markaasay yidhaahdeen, Ruqiya ma joogtaa? Markaasay yartii ku tiri, “Haaye soo dhaafa” Ka dibna yartii intay guriga ku oraday ayay tiri; “Hooyo laba nin baa ku rabee kaalay la hadal”. Ruqiya waxaa wakhtigaa la fadhiya laba gabdhood oo kale, oo ay Balayax walaaloyihiin iyo eeddadii. Ruqiya iyada oo aan soo kicin ayay meeshi ay fadhiday kor uga dhawaaqday oo tiri: “Maxay yihiin nimanka goortan i doonaya, waa kuwama?” Balayax oo markuu dhawaaqeedii maqlay jidhiidhico saaqday ayaa ku jawaabay; “Waa walaalkaa Balayax”. Ka dibna kulligood intay mar qudha kor u wada boodeen; “Yaa Bayax aa!” Mar labaad ayuu yidhi; “Haa waa Balayax”.