Barigii horre waxa jiri jiray hablo heerin la dhaho, habluhu markay noqdaan garabwayn ayay israaci jireen ooy dhihi jireen aynu calaf doonano.
Waxa la tilmaama in sadex hablood oo heerina ay yimaadeen degmo. Kadibna nin duqa ayaa dhahay: “hablaha aan iska hubino!”
Hablihii waxa loo geeyey xeedho hiliba oo kulul, waxa kale oo la diray niman u kuurgalaya, oo soo dhagaysanaya habluhu waxay ku yoomayaan, kadibna hablaha tii koowaad ayaa xeedhadii gacanta galisay, markaasay tidhi:
“Kululaa kama naallee”, tii labaadna waxay tidhi:
“Naa kama kaadsan karnee kala goo”. tii sadexaadna waxay tidhi: “Naa ha kafafee korka saar”.
Nimankii ayaa warkii keenay, oo sheegay sadexdii erey ee habluhu ku dhawaaqeen. Dabadeena, odoyaashii waxay dhaheen: Ta koowaad, way samir darantahay oo waxay sugi kari wayday hilibka kulul intuu ka qaboobayo, ta labaadna, way huguri wayntahay oo hilib kulul ayey rabtaa inay kala goyso, ta sadexaad ee tidhi: ha kafafee korka saar, ayeynu ka qaadanaynaa, sababtoo ah waa gabadh samir leh.
sheeko soomaaliyeed