Gabayga:- XAJIIN

Gabaygan waa Gabaygii 19-aad Ee ka mida Silsiladda Dabargoynta Qabyaaladda .. Ka Bogasho Wacan:-

Curiye:- Abdillahi Shaacir , 07/06/2014
Inkastoon Xdii gabayba tirin, bil iyo xaalxaale

Inkastoon xagiisiiba dayin xarafka maanseedna

Maanta waan u soo xiisayoo waan xusaayaaye

Aan soo xuloo soo qadimo, kii xasuus reeba

Xariifiin horaa sheegayoo, maaha keli xiiqe

Casharkani horay xaashiyaa, ugu xarriiqeena

Xumaheedi baa farabatoo, xoojin buu u yahaye

Waa waxa xiqdiga keena iyo, xaasidnimo weyne

Xuquuq uu dad kale leeyahay ku xadgudbaysaaye

Xayiraay qabyaaladi dadaw, waaa xajiin darane
Xiligii bilawgii aduun, xaawa iyo aadan

Waa xadhiga shaydaan watee, xawda loo jaraye

Waa xeerka Haabiil ku yidhi, waa xalaal dhiige

Waa shay midkii xaasidiba, dad u xasuuqaaye

Waa shay midkii xumo wataa, uu ku xoogsada’e

Waa xulad daboo lagu gubaa, samo xadkiisiiye

Waa waxa xiqdiga keena iyo, xaasidnimo weyne

Xuquuq u dad kale leeyahay, ku xadgudbaysaaye

Xayiraay qabyaaladi dadaw, waa xajiin darane
Aad bay u xididaysatoo,waa tu xoog badane

Waa xaqiiq in aan aayar uun, laga xoroobayne

Waa xiisad lagu soo bartaa, xoolka hooyada e

Oo la yidhi xulkii baad tahoo, xoogna waan nahaye

Ku xad gudub dhamaan reerahoo, xoolohood qaado

Oo layidhi xarraam baan ka nahay, xilaha reerkaase

Oo layidhi kuwaa ka xejisoo, yay ku xaakimine

Waa waxa cidaan u xaglinayn, looba xiisayne

Waa waxa xiqdiga keena iyo,xaasidnimo weyne

Xuquuq uu dad kale leeyahay ku xad gudbaysaaye

Xayiraay Qabyaaladi dadaw, waa xajiin darane
Waa kaadhka lagu soo xushaa ,xaaxay daalin ahe

Waa waxa bulshada xooray ee, keenay xayraane

Xasiloonideenay ku tahay, shay xanuun bada e

Waa waxa xarbiga noogu wacan, aan xalka lahayne

Waa waxa dhulkii xaalufshee, ee xanibay roobe

Waa waxa xiqdiga keena iyo xaasidnimo weyne

Xuquuq uu dad kale leeyahay ku xadgubaysaaye

Xayiraay Qabyaaladi dadaw,waa xajiin darane
Xorfad dheer ayaa lagu dhex riday, xaqul masaakiine

Xuquuq malaha ruuxaan tolkii, xoog ku tarahayne

Xukunkii Ilaahay la diid, ee xaqa ahaaye

Waynagaa kutuba xoornayee, raacnay xeer jabane

Inta aad qabiil xeerisaan, khayr ma xaasilo e

Weligaana waad xiiqsanaan, ood xafiiltamiye

Waa waxa xiqdiga keena iyo xaasidnimo weyne

Xuquuq uu dadkale leeyahaad ku xadgudbaysaaye

Xayiraay Qabyaaladi dadaw, waa xajiin darane
Xabiibkeeni baa yidhi ka taga waa xashiish uraye

Bal inay xasarad tahay haddana, laga xishoon waaye

Dad uun baa u xusul duubayoo, xoojinaayaba e

Nin xiniin yalaa loo yaqaan, kii ku xaabsada e

Xafladaaba loo qabanayaa, waa xujiyo yaabe

Waa waxa xiqidiga beera iyo, xaasidnimo weyne

Dadkalay xaqoodii ilayn ku xadgubaysaaye

Xayiraay Qabyaaladi dadaw, waa xajiin darane
Waa xas iyo oodiyo qodxaan, xero belaayoode

Waa xabag sunloo ay cunaan, xulafo shaydaane

Xanjo meel ku naban bay u tahay, kii xumaan raba e

Samahay xanibaysaa ku tahay, sida xajaarkiiye

Ruuxii qalbigu xaadhan yahay, wuu iska xaarimaye

Qof xakiimi wuu garanayaa, fool xumaanteede

Waa waxa xiqdiga keena iyo, xaasidnimo weyne

Xuquuq uu dadkale leeyahay ku xadgudbaysaaye

Xayiraay qabyaaladi dadaw,waa xajiin darane
Eray bixin:

XAWDA= naf, qudh,ruux

XOOLKA= waa sariirta ilmaha yar la seexiyo , ee lagu dhex rido

XAAXAY= doqon, nacas, qof aan ku haboonayn in xil loo dhiibto.

XABIIBKEEN= Nebigeena Muxamed CSW
Taariikhda = 07/06/2014
Curiye