Qaybta 17 ee Sheekadii shandaraley

Balayax codkiisu waa is badalay, oo gabdhihii walaaladii ahaa dhaqsa way u garan waayeen, laakiin eeddadii ayaa markiiba codkiisa garatay, ka dibna intay laba qof oo ka sokeeyay soo jiidhay haw soo tidhi, oo intay Albaabkii wada ballaqday, ayay iftiinka laydhka ku eegtay, waaba laftigiisi. Dabadeedna islaanti eeddadi ahayd markay hubsatay in uu isagi yahay ayay dug ku tiri, oo isku duubtay, gabadhihiina way soo yaaceen oo iyagana dhinacooda ayay qabsadeen, qaylo iyo sawaxan baa la isla oogsaday, farxadi waa naxdin baa meesha ka dhacday, ninkii balayax ayaa inta hareeraha la qabsaday lagu wada dagay, muddo saacad badhkeed ka badan, ayaa laga fuqi waayay oo hareeraha laga lushay. Ilmada iyo dhareerka ayaa la isku daray, aragtidiisi waxaa ku dareertay ilmo u dhiganta tii loo ooyay markii la waayay ee hore. Dadkii jaarka ahaa ayaa ku soo yaacay buuqii iyo sawaxankii oo is yidhi, tolow maxaa dhacay, ka dibna dadkii jaarka ahaa waxay isku soo dhubeen gurigii Ruqiya, si ay u waydiiyaan waxa dhacay.

Haseyeeshee, dadkii dariska ahaa wax jawaab ah way waayeen, maxaayeelay, dadkiiba way isla wada maqan yihiin, oo Balayax baa lagu fooraraa, mar dambe ayaa carruurtii Ruqiya dhashay, abtiyo Balayax baa la helay. Dadka jaarka ahi, way garteen Balayax, in uu yahay ninkii ay Ruqiya ka samri wayday raadintiisa, ka dibna farxadii iyo ray-rayntii ayay jaarjina la qaysadeen eheladii Balayax, goor dambe ayaa dadkii xoogaa yara kala fadhiisteen oo sawaxankii damay, laakiin Ruqiya ayaa nafba laga waayay oo ku dul qallashay Balayax, ka dibna dadki ayaa in saacad badhkeed ku dhaw, ku mashquulay sidii ay labada ruux u kala furfuri lahaayeen, in kasta oo la kala furfuray haddana gabadhii Ruqiya ahayd ayaa dhinac u dhacday oo miyirba laga waayay. Saacad iyo badh markii la dul fadhiyay ayaa dhakhtar loo keenay.
Dakhtarki ayaa Ruqiya ku muday dawada qofka dareenkiisa dajisa, cabbaarna Balayax laga yara qariyay, markaas ayay goor dambe soo mirowday, oo yara ladnaatay.

Ninkii dhakhtarka ahaa ayaa canaantay ninkii Balayax soo tusay guriga oo ku yidhi: “Nin dhimasho lagu tirinayay ma ahayn in aad sidaa kadiska ah mar qudh ah guriga u soo dafsiiso, ee warkiisa ayaa la soo horraysiiyaa, oo iyadoo warkiisa la hayo ayaa guriga la keenaa, maxaayeelay horaa loo yidhi: “Farxadi waa naxdin, oo dad badan baa farxad darteed u dhintay ama la miyir-doorsoomay”. Markii dadkii kale kala tagay, oo balayax iyo ehelkoodi kaliya isku hadheen, habeenkaas oo dhan xaafadda faxad darteed wax cunta ah lama cunin, lamana seexanin. Markii ay asqadii farxaddu 24 saac oo aan kala go’ lahayn socotay, ayuu Balayax ka warramay sidii loo raafay iyo muddadii uu maqnaa wixii uu soo maray, isagoo ka sheekeeyay duruufihii uu ka soo gudbay, waxayna dadku ku dhaygagsanaayeen jawi xasilloon isla markaana ay si xun uga murugoodeen, jirrabaadda Balayax la mariyay. Is waraysigii oo wali socda ayuu Balayax dhankiisa ka waraystay xaaladda dadkoodi, wax dhintay iyo wax nool iyo qof waliba waxa uu ku sugan yahay. Waxaa kale oo uu si gaar ah dadka u waraystay labadiisi waalid, ee dhalay sida ay yihiin, intaa markii looga jawaabay, ayuu dhab ahaan u waraystay shaqsigii uu warkiisa u boholyoobay waa Cudbiye, waxaana isla markiiba loo sheegay in ay Sargaal ciidamada ah Xaaskiisa tahay, oo ay laba carruur ah u leedahay.