Geeddigii ay Daraawiish bari ugu guurtay

Dagaalladii waawaynaa ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex maray iyo goobihii ba’naa ee laysku helay, oo ay ka mid ahaayeen, “Af-bakayle, caana-xadhigle, Ooda-gooye, Fardhiddin, Beer-dhiga, Cagaar-wayne iyo Daratoole”, Markay dheceen, intaas oo gooboodna Daraawiishi ku wada guulaysatay dagaalka, Xaruntuna markaas ku taallo Walwaal iyo Wardheer, Ingiriis, Talyaani iyo Xabashina Daraawiish u wada heshiinyeen, Ninba itaal meel uu u gaadhaba dagaal iyo dirirna loo guddoonsaday, ayuu Sayidku iskugu yeedhay, nimankii “Qusuusida” ahaa ee madaxda Daraawiishta ahayd, kuwaas oo uu la tashan jiray, wuxuuna u soo jeediyay talo, wuxuuna yidhi:-

Xoolaha aan haysano waxaa ugu roon Fardo iyo Geel, dalka aynu joognana waa oommane, haddii ay ballidu gudhaan biyaha walwaal iyo wardheer inaguma filla, cadawgiinuna dawladahaas aan ishayno ma ahee waa Oone sideen oonka ka yeelnaa?

Cabbaar markii laga dooday, ninkii talada ugu fiican keenay wuxuu yidhi:- “Dad cadaabeed, dal cadaabeed baa laga galaa”. Balse waxaa la isla gartay, in ergo loo diri Boqorkii gobalka bari ee Boqor Cismaan, lagan warsugo. Waxaana ergadaas ka horraysay, xoolo badan oo horay boqorka loogu diray iyo gabadh yar oo uu sayidku ka doonay Boqorka.

Dhawr toddobaad ka dib, ayaa ergadii soo noqotay, iyada oo Boqorkii warqad uu soo diray ka sida, oo uu ku leeyahay: “Soo guura garab iyo gaashaanba wayga helaysaane”, Sedde xaalo oo uu bari leeyahayna ugu soo guura;

√ Buur dagaalka lagaga gabbado
√ Biyo maatada iyo xoolaha kuugu noolaadaan
√ Bad, dab iyo hub iyo xoolaba laga helo

Daraawiish markii warkaasu soo gaadhay, waxay isla maalmihiiba u guureen Bari iyo Boqor Cismaan, Inkasta oo Daraawiish dhaxda kala kulantay weerarro lama filaan ah, oo Ingiriiska iyo soomaalidi intii xumayd kaga yimid, harraad iyo kulayl iyo dhibaatana soo gaadhay, haddana ugu dambayn waxay dageen Nugaal.