Gabay:- DAWO MA LEH QABYAALADI

Gabaygan Waa Gabaygii 20-AAD ee silsiladda Hanaqaadday ee DABAR-GOYNTA QABYAALADDA. Ka Bogasho Wacan :-
Baryo gabayga waan daayayoo, waan dabuub xiraye.
Maantaan dirqiyay ruuxda oon, dood fatahayaaye.
Sidii daadka oo kale markuu, dulundulcaynaayo.
Bal aan dooxo maansada cabdoow, waan dikriyayaaye.
Dugsi ma leh qabyaaladi horaa, deelka loo yiriye.
Dibu dhaca waxaa iigu wacan, aan dirgani waayay.
Dirirtiyo colaadaha dheceen, daawo loo heline .
Dagaalladu dadkaygii hallige, waana doox jabay’e.
Daris-dhowr hadaan nahay colaad, nama dullayseene.
Doqontii la soo diray wataa, dumisay qoyskiiye .
Digashada siyaasigu matalo, waa darxumo weyne
Daba dhilif na weeyaan hubaal, damac hoggaanshaa dhe.
Afartaa duruus aan dhigtiyo, deel ka bixidii dhe
Duud sare lixdaan saari iiray, aniyo doodday dhe
Dadku maansaday igu barteen, dabar furkeedii dhe
Afarkalana waan soo dubee, nalal usii daarta.
Dawo male qabyaaladi ragow, dabarjar mooyaane
Waa dano cadaawiyo halaag, kaama daahsana’e
Waa damac buraayoon lahayn, daawo iyo dheefe
Waa hoggaanka diintoo la naco, dabar la eegayne
Waa daadka kugu soo rogmada, doox ku haaliga’e
Duufaanno weeyaan dhiciyo, dira-dirayn jaane.
Waa dayn laguu qabanayiyo, dirir dilowgeed dheh.
War dubaaqa aan laga fahmayn, daaluun laga qaadye
Dubbe iyo waxaa nagu habsaday, dakharro waaweyne
War qabyaalad diif bay dhashiyo, dibu-dhac khayraade
Dalag iyo wax-soo saar ayaan, soo dallicilayne .
Daarihii la dumiyaan wax badan, dibu-habaynleyne
Dadkeenaan dawada siin lahayn, waxay ku doogtaane
Qabyaaladi dan maahee ragyahow, dumiya oo aasa.
Allahayoow damaashaad nasiin, duubni nagu caawi.
Damta iyo dagaallada Rabboow, naga dawee maanta.
Allahayoow adaa deeq baxshoo, lagu durraantaaye.
Allahayoow dirkaa kacay ka yeel, duugga hadhi doona
Dawladnimo Allahayoow nasii, Daa’im baa tahaye.

Aamiin
Hal Abuur:- Amiin Ahmed Loofer