Q-18aad shandaranley

Markii warkeeda laga dhargiyay ayaa mar qudha wahab naxdin leh iyo dhogor madoobaan ninkii Balayax ahaa isla dhalan rogay, wuxuuna af-dhabaandhaw ku yidhi: “Oo hadda xaggee ayay daggan tahay?”, waxaana loo sheegay in ay daggan tahay guri ku yaalla xaafadda shacabka Hargaysa, waxaana loo muujiyay hadda in aanay doondoonisteedu waxba ugu filnayn, isaga Balayax ah oo markii uu ogaaday in Cudbi la guursaday damaca dumarkaba ka go’ay, maxaayeelay, waxay ula mid ahayd,, in dhammaan wixi dumar ahaa ee dunida joogay oo dhan la wada guursaday, maalmo dhawr ah markiiuu joogay magaalada ee uu baashiraada ee uu booqashada dadkiisa dhax dabbaalanayay inkasta oo uu isagu aad u faraxsanaa, haddana waxaa kolba qanjidho muruga ah ku dhufanaysay xasuusta gabadhii Cudbi ee calafku kala walwaalay taasi oo uu maaro u waayay tab kale oo uu ku soo nooleeyo jacaylkii Cudbi muddadii uu Hargaysa hoogay ayuu Balayax nin ka codsaday in uu soo tuso barada ay Cudbi ka daggan tahay magaalada, taasi oo uu ninkiina ka oggalaaday, goor fiid-caweer ahayd, ayay Balayax iyo ninkii la socday soo raaceen baska taga xaafadda shacabka ee Cudbi daggan tahay. Intii ay baska saarnaayeen, Balayax waxaa ku mudnaa jawi tashi badan oo aan wiilka kale la qabin, waxaana qalbigiisa ka soo burqanayay oo uu iswaydiinayay su’aalo ay ka mid ahaayeen tolow markaad is aragtaan maxaydun is odhan? isagoo is tusayay sawirro ah, miyaydun isku dhagi doontaan?, miyaad isku ooyi doontaan, isagoo jeclaysanayay, oo is tusayay filim ah iyadoo Cudbi marka ay aragto Balayax caashaqi hore la jubbooto oo inta ay ku soo booddo xubi dartii ay illawdo ninkii qabay oo isaga soo raacday, waxaa kale oo uu is tusayay, cabsida uu ka qabo askarta iyo khatarta kaga iman karta, nin sargaal ah oo uu xaaskiisi damaaciyay. Gabadha Cudbi ah iyada qalbigeeda saamayn yarna kumuu reebin waayihii jacaylka Balayax, waxaanay xilligaas ku jirtay nolol aad uga fog tii ay Balayax isku barteen, maxaayeelay waxaa Balayax iskugu dambaysay, iyada oo inan yar oo reer miyi ah, laakiin iminka waa afo qabawsatay oo uu qabo sargaal garba-guduudan, daggana guri filo ah oo kala jiidan, oo rag iyo dumar badani nadiifintiisa iyo ilaalintiisa ku mashquulaan, waxaa kaliya oo ay ka fikirtaa Cudbi isku qurxinta ninkeeda oo kaliya, waxayna dhagaysataa shagax-shagaxda dahabka tirada badan ee dhudhumadeeda gacmeed ka buuxa, sidaas darteed, maba xasuusato wiil yar oo ay baaddiye isku jeclaayeen bari fog. Balayax iyo wiilkii kale baskii ayay kaga soo dageen meeshii gurigu ugu dhawaa, iyagoo kalsoonidu ku yar tahay.

Balayax, markii albaabka laga furay, ayuu halacsaday Cudbi oo daaradda taagan dabeedna indhaha indhaha ayuu aad ula raacay, dabadeedna iyada oo ay indhihiisu aad ugu taqlan yihiin dhinaca Cudbi ayuu yidhi: “Waxa aad ku tidhaahdaa, waxaa ku doonaya Balayax .” Marka uu Balayax sidaa leeyahay Cudbi way maqlaysaa, oo daaradda ayay ka dhagaysanaysaa, laakiin fursad iyo xiiso badan uma hayso, salaan iyo booqasho, maxaayeelay, nolol kale ayay gashay. Hase yeeshee, ninkii askariga ahaa ayaa jawaabtii Balayax, dib ugu celiyay gabadhi Cudbi ahayd, oo ku yidhi: “Ninka ku doonaya Balayax baa la i dhahaa ayuu yidhi”. Cudbi ayaa markaa tidhi: “Balayaxaa… Balayax miyaanu ahayn, ninkii la waayay ee geerida lagu tiriyay, xaggee buu ka yimid? muxuuse aniga ii doonayaa, war fursad uma hayo ninka wakhtigan socdee albaabka noo soo xidh”, ka dibna aqalkeedii ayay dib ugu noqotay.