Fanka iyo Suugaanta

Suugaanta iyo fanku waxaa weeyaan muraayadda laga arko nolasha umadda guud ahaan, heerka dhaqaalaha, fasallada bulshanimo, kasmada siyaasiga ah iwm. Sidaa awgeed suugaanta lama darsi karo, baadhisna laguma samayn karo, illaa oo lagu saleeyo taariikhda, oo loo eego, qaybta markaa suugaanta laga darsayo, nolasha guud ee dadka ay khusaysaa ku noolaayeen. Iyada oo markaa taasi ina xukumayso, waxaa lagama maarmaan noqotay in barashada suugaanteena iyo taariikha umaddeena aynu is barbardhigno si aynu si hufan ugu aragno xaaladda ay dadkeenu ku soo dhaqnaayeen casri kasta oo soo maray.

Haddaba casrigii ay suugaantu ugu murtida badnayd, waa casrigii wixii ka horreeyay baraaruggii iyo gobanimo-doonkii, hase yeeshee waa casri nolashii umaddeena aan wax badan ka qorrayn: Sidaas awgeedna aan wax badan laga aqoon. Taasi macneheedu ma ahaan in aynaan lahayn dhaqan sal adag leh oo muddo soo dhisnaa, waxaase sidaa yeelay ennaga oo soo marnay dhacdooyin taariikhi ahaa oo inagu lid ahaa.

Haddaanu si kooban uga hadallo, waxaa johoradda dhaqankeenu ku soo ambaqaaday laba siyaabood.
Waa mide, sidaynu wada ogsoonahay, soomaalidu waxay ku noolayd miyi- xoolo dhaqato iyo beeraley iskugu jira. In kasta oo xoola dhaqatanimada iyo reerguuraaga aad mooddo in aynu caan ku ahayn. Nolashaasi miyi waxay ahayd mid qolo qolo, dagaal, xoolo badni ku faan, dhiirranaan, deeqsinimo, aftahanimo iwm, ku salaysan. Waxay ahayd mid walow aysan jirin fikradda dawladnimo ee aynu hadda naqaanaa, haddana noalashaasi waxay ahayd nolal dhismaheeda siyaasiga ah, dhaqaalaha iyo dhaqankeeduba qoddo dheer. Nolasha miyigu inkasta oo ay ahayd mid geeddi iyo reerguuraanimo ku salaysan, oo dadku dhib iyo suxul duub dagaal ay kula jireen nolasha. Haddana waxaa soo baxay dad bir faniin ka hadhay ah oo ad adag, dad fikiraya oo inooga tagay dhaxal suugaan iyo xikmad ah.

Wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta soomaaliya.