Gabayga Cadho Abwaan

 

Xasanaw cufnaantiisa gabay, waan ka caajisaye
Ma caddaynin maansooyinkaan, caanka ku ahaaye
Carrabkayga waa taan ka xidhay, taniyo ciiddiiye
Camaalaqiyo markuu buuq noqdaan, daayey curintiiye
Hayeeshee haddii lay codsaday, waan cartamayaaye
Anigoo ciyaalaan murtida, caarif ku ahaaye
Sidii caalim sheekhoo waxbadan, ciilmi baranaayey
Codka luuqda laabtiyo markaan, dhuunta ka cisiiyo
Caaglayaashu goortaas ayay, jare cillaalmaane
Bal aan curiyo caawoo kaluu, ii cuntamayaaye
Qabyaaladdan carriga doorisiyo, coliyo aafaadka
Aan “cadho abwaan” kula dul-dhaco,ciil i daashadaye
Soomaalidaba waa waxa caddilay, ee cunfiga keena
Cayn kastab u eegoo wallee, malaha caynaane
Candadawlka waa waxa ka dhigay, cid iyo hayb-haybe
Waa cudur iblays beeray oon, cidina daawayne
Waa cawaan wuxuu aaminiyo, caamo dhaqankeede
Cisi male qabyaaladi dhib ay, curiso mooyaane
Si kastood canbaaraysa ood, ceebna ugu sheegto
Caqligii daboolmaan xadiis, cunaha dhaafayne
Camal xumada soomaali waad, la cajabaysaaye
Caa’iliyo reer hebal dadnimo, kaga carraabeene
Casharkii lasoo maro naflaha, waa cibro u taale
Cidhibtood wixii gooyey bay, wali ciseeyaane
Baqe-cararka cayntaaradiyo, caatadiyo daalka
Col-ujoogga ciil-taanyadiyo, jab iyo caalwaaga
Carcaraafka kala caymashada, cuniyo dheef waaga
Calool-ooyga cidla eeroshada, baahidiyo caydha
Carruurihiyo hooyooyinkaa, ciilka la asqoobay
Odayada curyaamiyo barbaar, curadka naafoobay
waa cawaaqib xumadii ka timid, col iyo beel beele
Cadceeddii timaadiyo dhacdaba, way is cunayaane
Colaadaha sokeeyee batiyo. ceebta hadhi weyday
Waa ciqaab ganaax oo ku timi, cadho Ilaahay’e
Cisi male qabyaaladdi dhib ay, curiso mooyaane
Haddii ay cashiiriyo walaal , hoosta ka colowdo
Cillad-saar waxaa lagu dayaa, cafiska Weeyaane
Ninba cadho intuu kuusanyahay, cidhib ma yeeshaane
Ciil-kama-bogsade waa ninkii, cunay walaalkiye
Dhammaan caalamkii kale wakaa, caadka haybsada’e
Cawadiin dhacdaye Soomaaliyeey, caqli mahaysaane
Colaadaha sokeeyiyo kataga, car iyo way wayda
Oo Colaad qabiil iyo ka taga, ceebta idin saaran
Duulkii colloobaa aduun, kuma cisoobaane
Caam ahaanba dunidii waxaad, uga canbaarowday
Calankaagii waxa heerkan dhigay, cudur qabiilede
Cududaha siday uga jabtay, wali la ciiirtaaye
Cisi male qabyaaladi dhib ay, curiso mooyaane
Afartaa caddeeyeye qabiil, cabashadiisii dheh
Cabir kalena waxaan saarayaa, goobta laga caagay
Cimrigeed qabyaaladi arlada, waa caqabad taale
Inkastood cod dheeriyo dhawaaq, kor isla cayntaarto
Ama ay cilmiga sheegayaan, culimo aw-diintu
Oo ay cayaan uga Hadlaan, bahasha ceebteeda
Halkii ay ka soo curatybaan, cidiba sheegayne
Haddaan caadka aan lagaba rogin , nabarka ceegaaga
Oon caabuq hoos loogu dagin, cudurku waa kiiye
Soomaali cishaday gafeen, waa iska caddaane
Caa’ilo ka mida waa markay, cudud u sheegteene
Ee caddaalad darro aawadeed, lagu canbaareeyey
Waxa ceebta kaligood dul dhigay, qaarna calan saaray
Waa cadaawad hoosiyo qabiil. camaladiisiiye
Dir walaalo oo caynadoo, curaddo soomaal ah
Hoos Hoos in loo celiyo qaar, qaarna la ciseeyo
Mar haddaan cilmiga diinigaa, lagu caddaynaynin
Waxa loo cadaadinahayaa, waa cawaanimo e
Waa camalkay somaalidii, la candodawlmeene
Ciqaabtuba inay meeshan tahay caqli-gal soo maaha?

CURIYE:- AB. MUSTAFE MAX,ED C/XAASHI