Q-19aad ee shandaranley

Ninkii balayax markii uu hadalkaa maqlay ayuu hoos u foorarsaday oo khajilaad la gabax yidhi, korkiisana waxaa ka soo fish yidhi dhidid buurbuuran, waxaase intaa u sii dheeraa askarigii ayaa bahal hanjabaad ah ugu qaadqaaday, oo ku yidhi; “Waryaaya waa igaarrada, guryo dad leeyahay oo aydaan garanaynin ayaad iska soo garaacaysaan, waar fuck off, yaan la idin xidhxidhine”. Ninkii Balayax ahaa oo awalba sas iyo cabsi ka qabay askarta ayaa naxdin la qaboobay oo sida barafka dhalaali gaadhay.

Balayax waxaa la yaab ku noqday oo uu liqi waayay, sida ay Cudbi ula dhaqantay iyo dafiraadda ay kala hortimid. Hase yeeshee, Hab dhaqanka qallafsan iyo jawaabta filan waaga ah, ee ninkaii Balayax Alla kaga keenay gabadhii Cudbi waxay naftiisa u noqtay xabbad kiniin ah, oo ka jabisay xumaddii Caashaq ee haysay. Balayax oo ay ka guuxayso weedhii maskaxda caashaq ee haysay.

Wadhidii meesha ka raacday ayaa ka soo huleelay tibadday gurigii walaashii. Balayax wuxuu gurigii walaashii tagay iyada oo ay dad ku urursan yihiin, oo buuq ka jiro dadkuna naxdin la yool-yoolsan yahay, Balayax ayaa waydiiyay waxa waxa dhacay waxaana loo sheegay inay guriga baadheen in ay guriga baadheen askar koofiyeed cas oo isaga doonaysa wax yar ka horna uu guriga hortiisa ka dhaqaaqay gaadhi ciidan ah.

Dareen naxdin leh iyo yaacyaac ayaa xaafadii Balayax ka walaashii ka furmay. Waxaana Balayax lagu soo qariyay xaafad kale oo reerahoodu leeyihiin. Dabadeedna habeen ayaa laga tashaday arrintii Balayax, waxaana la go’aansaday in magaalada laga saaro. Waxaa la isla qaatay, in reerkii miyiga loo diro, balse waxaa laga baqay in ciidamada itoobiya ee xudduudda jooga qabtaan, oo moodaan askari ciidamada soomaalida wax u basaasaya, dabadeedna xagga reerka miyiga waa lagala walaacay, magaaladana laguma hayn karo, balse waxaa aakhirkii la go’aansaday in Djabouti loo diro.

Subaxnimadii ayaa ninki Balayax loo labisay dhar dumar, ka dibna inta dirac bacwayna ah iyo googarad iyo foodad jiq lagu siiyay, ayaa gaadhi Jabuuti u socda la saaray, waxaana raacday islaan eeddadi ahayd. Intii ay ku sii jireen jidka u dhexeeya Hargaysa iyo Jabuuti Balayax wuxuu ahaa gabadh dheer oo madaw, oo waliba dhaga la’ sidaa ayuuna kaga nabad galay askartii koontaroollada fadhiday, haddii kale judhaabaa dhab la siin lahaa, maxaayeelay Taarkiisa ayaa meel kasta yaalay, wajigiisana waa la garan lahaaba in uu askario baxsad ah yahay.

Balayax iyo eeddadii goor caways dambe ah, ayay galeen magaalada Djabuuti. Dabadeedna waxay ku dageen xaafad ay qaraabo fog yihiin, waxaa ku noolaa dad badan oo hurdadu cidhiidhi bay ku ahayd , waliba qol walba dumar baa jiifay, oo ragga way ku hurda xumayd. Hase yeeshee, xaafad kale magaalada kamaysan garanayn, sidaa awgeed, xaafaddoodii ayay iska cidhiidhsadeen. Balayax wuxuu la seexday oo kale oo meel daarad ah seexda habeenki aroor horena ka toosa.

Labada wiil ee kale suuqooda ayay iska galaan, oo habeenki uun bay soo hurda doontaan, laakiin Balayax ma garanayo mele kale oo aan gurigan ahayn. Sidaa awgeed, kaabadda albaabka guriga meel u dhaw ku taal ayuu maalinti oo dhan iska fadhiyi jiray, habeenkiina daaraddiisa ayuu dib u soo seexan jiray. Balayax magaalada Jabuuti ee uu joogaa ma ahayn meel uu iyada lafteeda beri ku yahay, maxaayeelay Jaandaranka Jabuuti ayaa dadka wixi aan sharci lahayn waagii baryaba raafaya oo Soomaaliya dib ugu celinaya, mana garanayo meel kale oo uu uga gudbo, takale, haddii uu meel uun afka iska saari lahaana ma haysto wax adduun ah oo uu ku jid maro, halkii uu ku dhashayna isaga oo aan cidna dhagar ka galin waa tii ay dantu maryo dumar u galisay ee cir iyo dhulba loo diiday. Balayax ma lahayn wax balwad ah, wuxuuse aad u jeclaa shaaha…